Xaflad Qalin jabin Quraan oo lagu qabtay Masjidka Ibu Cutheymiin ee magaalada Leicester.[Masawiro]

August 30, 2015 - Written by Editor

IMG_7337Leicester:-Waxaa shalay loogu qabtay Xaflad Qalin jabin Quraan Masjidka Ibu Cutheymiin 14 arday oo dhameeyey Quraanka Kariimka ah, Xafladaan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay dadweyne fara badan oo ku nool magaalada Leicester ayna ka mid ahaayeen waalidiinta ay caruurtoodu dhigato Masjidka Ibu Cutheymiin ee magaaada Leicester iyo marti sharaf kale.

Xaflada ayaa waxaa lagu furay daahfuray Quraan ah oo uu Akhriyey Saalax Hassan oo ka mid ah Ardayda Quraanka ka barta Masjidka Ibu Cutheyiin ee magaalada Leicester gaar ahaan ardayda waaweyn ee dhigta Habeenkii.

Intaas ka dib waxaa Microfonka lagu wareejiyey xiriiriyaha Xaflada Cabdisalaan Yuusuf isagoo soo dhaweyn ka dib mid mid ugu yeeray waalidiinta ay caruurtooda ay dhameeyeen Quraanka waxaan ay waalidiinta dhamaantood soo dhaweeyeen munaasabada iyagoo waano .talo iyo duco u soo jeediyey Macalimiinta iyo Maamulka Masjidka Ibnu Cutheymiin.

Xaflada intii ay socotay ayaa ardayda Masjidka Ibnu Cutheymiin ee magaalada Leicester oo iskugu jira gabdho iyo wiilala waxaa ay soo bandhigeen barmaamij iskugu jira Caqiidada , Fiqiga  iyo Siirada Nebigen Mohamed nabadgelyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee kuwaas oo ka koobnaa su’aalo iyo Bandhig diini ah.

Dhinac kale waxaa muxaadaro kooban ka soo jeediyey Xaflada Sheekh. Cabdalla Maxamed  iyo Sheekh. Maxamed Salaad oo ah Imaamka iyo Khadiibka Masjidka Ibnu Cutheyiin iyagoo ku booriyey waalidiinta in ay caruurtooda kula dadaalaan barashada Quraanka Kariimka si aduun iyo Aakhridood u hagaagto. Ugu danbayntii ayaa waxaa ardaydii Quraanka Kariimka dhamaysay oo gaaraysay 14 arday waxaa Shahaadooyin iyo Agab kale duwan gudoonsiiyey Sh.Maxamed Salaad waxaan xaflad dardaarn iyo duco ku soo gunaanaday Sh.Cabdiweli Muuse Ali Il-weyn, xaflada ayaa waxaa ay ku soo afmeerantay jawi farxadeed iyo rayn rayn.

no images were found

Masawirad xaflada qalanjabinta qaybaha dhimana dib ayaan  idinkaga soo gudbin doonaa haddii Alle idmo ee ha moogaanina

Masjidka Ibnu Cutheymiin

Leicester, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online