Xafladii Sanadguurada17aad markii la aasaasay Puntland oo ka socoto caawa xarunta Madaxtooyada Puntland.

August 1, 2015 - Written by Editor

plGaroowe:-Waxaa ka socda xarunta Madaxtooyadda Puntland ee magaalada Garoowe xaflad lagu xusayo sanadguuradii 17aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay maamulka Puntland ,xafladaan oo ay ka soo qayb galeen xubnaha ugu sareeya Dowlada Puntland gaar ahaan madaxweynaha ,madax weyne ku xigeen ka, Xildhibaanada golaha baarlmaanka Puntland, wasiirada ,Issimo ,culima awdiin iyo waxgarad kale.

Xaflada ka socota xarunta madaxtooyada dowladda Puntland ayaa ku soo beegmaysa xili saaka magaalooyinka waaweyn ee Puntland laga dhigay munaasabado lagu weynayno sanad guuradii 17aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay dowladda Puntland.

Martida ka soo qayb galay xaflada ayaa waxaa ay caawa sugayaan Khudbadaha ay madaxda Dowladda Puntland ay jeedin doonaa ka dib yadoo weli aan wax xal ah loo helin khilaaf soo kala dhexgalay Dowladda Fedreaalka Soomaaliya iyo Puntland ka dib markii maamul loo samaynayo gobollada dhexe qaab dhismeedkiisa iyo inta degaan oo uu ka koobnaanayo la isku qabtay maadaama Gobolka Mudug qaybo ka mid ah uu ka tirsan yahay maamulka Puntland.

Xaflada munaasabada lagu weynaynayo sanadguuradii 17aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay dowladda Puntland ayaa waxaa ka soo qayb galay ama ku sugan marti sharaf fara badan oo qayb ka yihiin aqoon yahano ka yimid Qurbaha.

Warbixinta oo dhamaystiran dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online