Xuskii 17 Guuradii Aasaaskii Puntland oo si wey loogu xusay xalay Garoowe.[Masawiro]

August 2, 2015 - Written by Editor

IMG_4911Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. C/xakiin C/llaahi Cumar Camey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka dowladda Puntland Siciid Xassan Shire ayaa xalay aqalka madax tooyada Dawladda Puntland ee Garoowe uga qeyb-galay munaasibad balaaran oo lagu xusayey sanadguurada 17-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii Puntland.

Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad, Aqoonyahan, Saraakiil ciidan , Siyaasiyiin, , fanaaniinta kooxda waaberi Puntland , Haween , Dhalinyaro iyo dadweyne kale duwan ayaa ka soo qeyb-galay xafladda oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay , waxaana madasha ay ka socotay xafladda ku qornaa halku dhigyo lagu weynaynayo aasaaskii Puntland.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Siciid Xassan Shire oo ka hadlay xafladda ayaa dhammaan shacabka Puntland ugu hambalyeeyey xuska sanadguurada 17-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo madasha ka soo jeediyey khudbad xiiso leh dhinacyo badana taabanaysay ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan shacabka Puntland iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Gaas ayaa sidookale sheegay in Puntland la dhiso ay faa’iido weyn u aheyd guud ahaan umadda Soomaaliyeed, dadbadana ay u soo qaxeen dhulkaan iyagoona helay deganaansho iyo soo dhaweyn wanaagsan oo aysan ka heli laheyn meelkale.

’Puntland wax badan ayaa u qabsoomay Puntland waxay leedahay Dawladnimo gaamurtay oo cudud dhaqaale iyo sidookale Ciidan ku filan,Puntland waa Dawlada keliya ee sharciyad leh ee ka jirta Soomaaliya’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’Dad badan oo reer Puntland waxay qabaan inay Puntland ka tashato Soomaali oo ay isku tashato,laakiin aysan Soomaalinimo waqti ku lumin,laakiin waxaan leeyahay in badan oo ka mid ah Cadowga Soomaaliya sidaas ayay doonayaan,Puntland kaligeed ayaa Soomaaliya noqonaysaa hadaan Soomaalinimada jiritaankeeda laga wada shaqeyn’’Ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweynuhu.

Ciidanka Puntland ayuu madaxweynuhu ugu hambalyeeyey doorka lama ilaawaanka ah ee ay ka qaataan amniga iyo jiritaanka Puntland, waxaana uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa had iyo jeer cadowga inaga xigsanaya una soo jeeda ilaalinta amniga Puntland.

Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in xalay laga bilaabo ay tahay sanadka ladagaalanka musuqmaasuqa, hay’adda Asteynta maamul wanaaga iyo ladagaalanka musuqmaasuqa ayuuna ugu baaqay inay derdergeliyaan howlaha muhiimka ee ay u hayaan shacabka Puntland, waxaana uu sidookale sheegay in dhammaan Gobolada Puntland lagu raja weyn yahay in laga furo xafiisyo ururinaya xogaha ku saabsan musuqmaasuqa si loo ciribtiro.

Madaxweyne Gaas waxaa uu sidookale sheegay in Puntland ay ka gudbi doonto nidaamka ku dhisan qabiilka, ayna dhawaan u talaabsan doonto Nidaamka Dimuqraadiyadda, isagoona xusay in uu socdo dadaalkii ugu dambeeyey ee nidaamkaasi looga talaabsan lahaa.

no images were found

 

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online