Gudoomiyaha Barlamanka Puntland oo gaaray magaalada Boosaaso

September 29, 2015 - Written by Editor

saciid1Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa maanta gaaray magalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaana halkaas si diiran ugu soo dhaweeyey Maamulka gobolka, kan degmada iyo mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

Ujeedada Socdaalka Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay ka qayb galka doorashada guddoonka golaha deegaanka degmada Bosaaso oo dhici doonta dhawaan.
Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa dib uga soo laabtay safar shaqo uu dhawaan ku tagay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa waxaa ka socda Loolan adag waxaana lagu hardamayaa cid noqon lahayd Gudoomiyaha gobalka Bari iyo ku-xigeenkiisa.

Waxaa isla maanta la dhaariyey xubnaha cusub ee golaha deegaanka degmada Bosaaso ka dib munaasabad balaaran oo ka dhacday xarunta gobalka Bari.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online