Jaamacad ILAYS National University oo laga furay magaalada Laascaanood.[Video/Masawiro]

September 12, 2015 - Written by Editor

2Laascaanood:-Jaamacad cusub oo loogu magac ILAYS National University ayaa shalay waxaa laga furay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, iyadoo xafladdii furitaanka ay ka soo qayb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan Jaamacadaha magaalada , Dalladaha waxbarashada ee gobolka bahda qalin maalayasha gobolka Sool , Culimau’diin Aqoonyahanno, ururrada dhalinyarada,iyo kuwa Bulshada, Haween iyo marti-sharaf kale oo fara badan .

Jaamacada Ummada Ilays (INU) ayaa bixinaysa Takhsusaad gaar ah oo ay ka mid yihiin; Computer Science ayaa waxaa warbixin ku saabsan Jaamacadda ka soo jeediyay munaasabadda guddoomiyaha Jaamacadda, Yasiin Cali Daahir isagoo yiri.”Jaamacadda Ummada Ilays waxay bixinaysaa koorsooyinka kala ah Bachelor Science Computer (BSC) Bachelor Computer Application (BCA) iyo Bachelor Science Computer Network oo iyana saddex Takahsusaad kale oo ay ka mid
tahay Luqadaha , Cilmi Nafsiga , Maamulka iyo Maaraynta iwm.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa xusay in Jaamacada Ummada Ilays University ay bixin doonto koorasyo ay ka mid yihiin (Newly Computerised System With Integrated Labs, New CISCO Routers and Switches iyo A Library With Huge Collection af Books. Wuxuuna intaas ku daray in Jaamacadu ay waxbarashadaas u diyaarisay qalab casri ah oo ardayga u sahlaya inuu si fudud wax ku barto.

Sidoo kale gudoomiyaha Dallada waxbarhada Ilays isla markaana ah Aaas aasihii Jaamacadan  Prof.Abdisalan Maxamed Xuseen Tunkub ayaa isna ka hadlay dadaalka jaamacadan loo galay iyadoo ay soo martay Jaamacadu heerar kala duwan , oo ay  ugu horaaysay markii 2012 laga furay College ahaan gudaha magaalada laascanood , illaa waagaaana ayna ku socotay College ahaan .

Sidoo kale Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal Proff C/Risaaq Lafoole ayaa isna soo dhaweyay Furtaanka Jaamacada Ummada Ilays ayaa sheegay in ay a shaqayn doonaan. ‘Hadii aanu nahay maamulka Jaamacada Nugaal waxaanu soo dhawaynaynaa Jaamacadan Cusub ee Ummada Ilays , Waxaanu si wanaagsan oo hufan uga shaqayn donaa hormarkeeda, Waayo Hormarka Jaamacda Ummada Ilays Waa Hormarkeena ‘ ayuu yidhi Proff Abdirisaaq Maxamad Lafoole.

Xubnihii kale ee Xafladda ka hadlay waxaa ka mid ahaa; Aqoonyahan Jaamac C/laahi Caydiid oo ka tirsan Bahda Waxbrashada iyo maamulka Machadka Daraasaadka Islaamka ee Alfurqaan Intitute  wuxuuna xusay inay soo dhaweynayaan Jaamacada cusub ee Ummada Ilays   oo uu sheegay inay tahay Jaamacad wax badan kusoo kordhinaysa  baahida loo qabo Barashada Cilmiga Computer Science-ka, isagoo mas’uuliyiinta Jaamacadda ku boorriyay inay ku ballaariyaan Jaamacadda guud ahaan dalka.

C/Risaaq Dhabayaco  oo ah gudoomiyaha ganacsatada gobolka Sool , isla markaana ah Gudoomiyaah Shirkada TELESOM  ayaa sheegay inuu soo dhaweeyay dhaweeyay furitaanka Jaamacadda Ummada Ilays  oo uu sheegey in furitaankeeda uu kusoo beegmay Xilli loo baahnaa; maadaama waxa wax lagu qabsanayo caalamka maanta ay ka mid tahay Tiknoloojiyada casriga ah, taasoo ay shacabka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabaan.

Waxaa kale oo iyaguna ka hadlay xafladda, aqonyahano farabadan  oo dhammaantood ka socday Bahda Waxbarashada gobolka  ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay Furitaanka la furay Jaamacadda, iyagoo xusay in culuunta ku baxaysa ay yihiin kuwo baahi weyn looga qabay dalka.

Waxa xusid mudan in dadweynaha ka qaybgalay Munaasabada ay soo dhoweeyen Jaamacada cusub ee laga hirgaliyay magaalada Gaalkacyo. Jaamacada laga hirgaliyay magaalada Gaalkacyo ayaa imanaysa xilli dadweynuhu ay baahin wayn u qabaan barashada iyo Caafimaadka. Si kastaba ha ahate,jaamacadan ayaa qayb ka noqonaysa hormarka waxbaarsho ee ka jira Gobollada Puntland.

Ugu dambeyn, Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Ummada Ilays , Yaasiin Cali Daahir  oo soo xiray munaasabadda furitaanka ayaa yiri. ”Furitaanka Jaamacadaan waxay ku timid markii Aqoon-yahanno Soomaaliyeed ay ogaadeen in dalka uu baahi weyn uu u qabo noocyada kala duwan ee aqoonta casriga gaar ahaan  barashada Tiknolojiyada Casiga si loola jaan-qaado Caalamka iyo waxa ka socda.

no images were found

Hoos ka Daawo Jaamacada Ummada Ilays University oo laga furay Laascaanood ee Gobolka Sool

Mawliid Haradigeed  
Laascaanoood ,Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online