Madaxweyne Gaas oo siweyn loogu soo dhaweeyey deegaanada Dhagaxyacade, Beyra, Xera jaalle iyo Degmada Galdogob ee Gobalka Mudug.

September 1, 2015 - Written by Editor

IMG_2623Galdogob:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo  ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 1-9-2015 siweyn loogu soo dhaweeyey deegaanada Dhagaxyacade, Beyra, Xera jaalle iyo Degmada Galdogob ee Gobalka Mudug.

Wefdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha oo isugu jira, Wasiiro , Xildhibaano, Waxgarad, maamulka Gobalka Mudug , Saraakiil katirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale ayaa ugu horeyn waxaa si habsami leh loogu soo dhaweeyey deegaanka Dhagaxyacade.

Cutub katirsan ciidanka Daraawiishta ee dawladda Puntland ayaa madaxweynuhu waxaa uu ka qaatay salaan sharaf, isagoona dadka deegaanka oo isugu jiray arday, haween, dhalinyaro , macalimiin iyo masuuliyiin kale uga mahadceliyey soo dhaweynta qiimaha leh ee ay u sameeyeen .

Deegaanka Xera jalle ayaa Madaxweynaha sidoo kale lagu soo dhaweeyey , waxaana soo dhaweyntiisa ka qeyb-qaatay Wasiiro , waxgarad, haween iyo dhalinyaro watay calamada Puntland , Soomaaliya iyo caleemo qoyan .

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa deegaanka xera jaalle waxaa uu xariga kajaray MCH caafimaad oo ay dawladdu ka hirgelisay , waxaana siweyn looga dareemaya isbadal horumarineed oo deegaankaasi uu ku talaabsaday mudadii uu hogaanka dalka hayey Madaxweynuhu.

Degmada Galdogob ayaa boqolaal dadweyne oo isugu jira rag iyo dumar , maamulka degmada iyo waxgarad si maqaamsare leh ugu soo dhaweeyey madaxweynaha iyo wefdiga uu hogaaminayo.

Markii uu gudaha u soo galay madaxweynuhu Degmada Galdogob waxaa uu dhagax dhigay guriga hooyinka , xarunta maamulka degmada , Garoonka kubadda cagta, waxaana uu xariga kajaray xarun cusub oo loo dhisay dadka qaba xanuunka dhimirka.

Ugu dambeyn waxaa uu madaxweyne Gaas kormeeray kastamka Tur-dibi , halkaas oo xarumaha dawladda ee halkaasi laga dhisayo ay marayaan heer gebo-gebo ah , dhawaana la filayo in si rasmi ah uu u howl-galo kastamkaasi.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online