Muxaadaraadkii ay culimadu ka jeediyeen Mutamarkii ka dhacay magaalada Leicester.[Masawiro/Cod]

September 10, 2015 - Written by Editor

sh bashiirLeicester:-Waxaan idiin soo gudbineynaa muxaadaradaadkii kala duwanaa oo ay culimadu ka jeedi yeen Mutamarkii Islaamiga ahaa ee ka dhacay magaalada Leicester ayna soo qaban qaabisay Mu’ssadda Irshaad, muxaadarada ugu horaysay ayaa waxaa jeediyey Sheekh.Dr.Bashiir Axmed Salaad oo ah gudoomiyaha culimada dalka Soomaaliyeed waxaa uu muxaadaradiisa uga hadlay xaalada Muslimiinta iyo dhibaatada ka taagan caalamka Islaamka.

Sh. Dr .Bashiir Axmed Salaad ayaa waxaa uu ka hadlay mushkilada ka taagan caalamka iyo qaabka ay muslimiinta uga bixi karaan iyo halka laga raacay. Sh.Bashiir Axmed Salaad ayaa waxaa uu ka hadlay in arin walba oo soo kordha loo baahan yahay in loola laabto Kitaabka alle iyo Sunada nabiga CSW taas oo ay umada baraan culumada rabaaniga ee cilmiga iyo Alle ka cabsiga isku darsatay.

Sh.Bashiir Axmed Salaad ayaa soo qaatay tilmaamooyin iyo tusaalo badan oo ay diinta islaamka ku towjiihisay umada Muslinka iyo in qof walba booska uu leeyahay looga danbeeyo sida culumada ,dhaqaatiirta iyo Enjineerada .

Sh.Bashiir Axmed Salaad ayaa waxaa uu ka hadlay qaabka uu nabigeeni Maxamed csw uu u dhisay dowladiisa iyo wakhtigii jaahiliga isaga oo sheegay in qu,aanka uu ku tilmaamay nolashii ay ku noolaayeen gaalada ay ahayd mid mugdi iyo Jahli isku darstay balse markii ay Islaamka qaateen ay noqdeen umada aduunka ugu fiican uguna cadaalada wacan iyaga oo dunida oo dhan badalay faafiyeyna Diinta Islaamka .

no images were found

Gudoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh. Dr Bashiir Axmed Salaad ayaa soo gaaray magaalada Leicester maalinti Jimcada ahayd oo taariikhu ahayd 04/09/2015 isagoo Khudbadii Jimce ka jeediyey Masjidka Ibnu Cutheymiin ee magaalada Leicester , Sh. Dr.Bashiir Axmed Salaad ayaa waxaa intii uu ku sugnaa magaalada Leicester waxaa uu kulan casho ah la qaatay masuuliyiinta Masaajidda Soomaaliyeed ee ku yaal magaalada Leicester isagoo siiyey warbixin kooban oo ku saab san xaalada dalka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Hay’adda culimada Soomaaliyeed Sh. Dr Bashiir Axmed Salaad ayaa waano wax ku ool ah u jeediyey ducaadii ka soo qayb gashay kulanka isagoo kula dardaarmay in ay dacwada dar dar geliyeen kana dheeraadaan afkaarta gurac ee lagu marin habaabiyo dhalin yarad.

Gudoomiyaha Hay’adda culimada Soomaaliyeed Sh. Dr Bashiir Axmed Salaad iyo culimadii kale ee ka qayb gashay Mutamarka ayaa waxaa ay casho sharaf u sameeyey ducaada Masjidka Ibnu Cutheymiin oo iyagu qayb libaax maanta ka qaatay qabsoomida iyo agaasimka Mutamarkaan Islaamiga ah waxaan ay caawa si wada jir ah u sagootiyeen culimada.

Hoos ka Dhageyso Muxaadarada Sheekh Basiiir Axmed Salaad uu ka jeediyey Mutamarkii ka dhacay magaalada Leicester.

[audio: https://halgan.net/Mp3/Shbashiir.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Muxaadaradii 2aad ee Mutamarka islaamiga ee ay soo qabanqaabisay Mu’ssadda Irshaad laguna qabtay magaalada Leicester ayaa waxaa jeediyey Sh Dr Cismaan Faarax isagoo Sheekhu uu ka hadlay Ahmiyada ay leedahay in lagu daydo dadkii wanaagsanaa ee diintaan u soo halgamay loogana daydo Akhlaaqdoodii , barashada cilmiga iyo barbaarinta u badkooda.

Sh Dr.Cismaan Faarax ayaa waxaa uu si xeel dheer uga hadlay Taariikh nololeedkii C/llaahi Ibnu Mubaarka oo ahaa Taabici aqoonta diinta iyo ku dhaqankedaa ku ahaa caan baxay taas oo sababtay in uu noqdo qof cid walba ay ku naalooto in isaga oo kale uu noqdo.

Hoos ka Dhagayso muxaadarii Sh Dr Cismaan Faarax uu ka jeediyey Mutamarkii slaamiga ahaa ee ka dhacay Leicester

[audio:http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Shosman.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Waxaa sidoo kale isagan muxaadaadii 3aad ka jeediyey Mutamarka islaamiga ee ay soo qabanqaabisay Mu’ssadda Irshaad Sh Siciid Raage isagoo ka hadlay Asxaabadii Rasuulka Nabadgelyo iyo naxariis koriis ha ahaadee siddii ay u badaleen Caalamka ka dib markii ay ka run sheegeen ku dhaqanka diinta Islaamka.

Hoos ka Dhagayso muxaadarii Sh Siciid Raage uu ka jeediyey Mutamarkii slaamiga ahaa ee ka dhacay Leicester[Dhawaan]

[audio:http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/SaidRaage.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Dhinac kale waxaa xusid mudan in dadweynaha Soomaaliyeed  ee ku nool magaalada Leicester ay si weyn uga soo qayb galeen Mutamarka iyagoo dhagaystay dhamaan muxaadaraadka culimada ay jeediyeen waxaan mutamarka uu ku soo dhamaaday jawi wanaagsan.


Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online