Wafdi uu Hogaaminyo Sh C/Naasir Xaaji Axmed oo safar ugu baxay Deegaanadii Dagaalladu ka dhaceen‏

September 30, 2015 - Written by Editor

A1Laascaanood:-Magaalada Laasccaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa maalinadii shaaly  ka anbabaxay gudi nabadayn oo uu hogaaminayo shiikhu baladka gobolka Sool Sheekh. C/Naasir Xaaji Axmed . Wafdigan ballaadhan oo ay shiikha ku weheliyeen Sh Dr Axmed Jaamc Ismaaciil , Madaxa Kuulliyadaha ee  Jaamacada Nugaal , Sheekh. Axmed Maxamed Sulaymaan , Madaxa Xafiiks Dacwada gobolka Sool , Culaa’mudiin , odoayaal iyo waxgarad kale socdaal dheer ku maray magaaloooyinka ka mid ah meelihi ay colaadu ka dhacay maalmihii la soo dhaafay .

Socdaalka wafdigan ayaa u jeedkiisu ahaa sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dhex dhexaadintan iyo nabadaynat beelaha diriritu ku dhex martay deegaanada Qorilay , Magacalay , Tuula Jalama iwm  ayaa waxay gaadheen Magaalooyinka ay ka mid yihiin Saaxdheer , Dabataag , Kalabaydh  .

Magaalada Saaxdheer ayaa wafdigani waxay kula kulmeen Garaadka guud ee gobllada Sool iyo Cayn  Garaad Jaamac Garaad Cali , Garaadka oo kulan la qaatay ayaa si wayn u soo dhaweeyay wafdigani isagaoo kala hadlay siddii lo dhamaystiri lahaa nabadaynta labadan beelood.

Dhinaca kale wafdigani ayaa booqasho ku tegey deegaanada   Kalabaydh iyo Dabataag iyagoo halkaa kula kulmay odoyaasha iyo waxgaradka . Ugu danbayntii , waxaa la rajaynayaa in wafdigani ay si way uga qayb qadayaan soo afjarida colaadan gaamurtay ee 10 ka sono soo noq noqonaysay .

no images were found

Mawliid Ismacil Haradigeed  
Laascanood ,Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online