Al-Shabaab oo la wareegay deegaano ka tirsan Koonfuta gobalka Mudug

October 2, 2015 - Written by Editor

logo-alshabaabCamaara:-Wararka naga soo gaaraya Koonfurta gobalka Mudug ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay saaka la wareegay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug  waxaana ay bandow ku soo rogeen deegaanka Camaara.

Dadweynaha ku dhaqan deegaanka Camaara ayaa sheegaya in uu hakad ku yimid isku socodka gadiidka iyo goobaha ganacsiga waxaana deegaanka Camaara isaga baxay maleeshiyaad deegaanka oo hubeysan.

Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa la wareegay deegaano kale oo ka tirsan Koofurta Gobolka Mudug oo ay ugu horeyso  deegaanka Bacaadweyne oo ay horey gacanta ugu hayeen Maamulka Galmudug.

Masuuliinta Maamulka Galmudug ayaan weli ka hadlin deegaanada ka tirsan Koonfurta Mudug oo ay la wareegeen kooxda Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ay ka faa,ideysaneysaa khilaafka ka dhex aloosan qaar ka mid ah beelaha iyo Maamulada ka jira gobalada dhexe iyo Mudug.

Madaxweynaha Galmudug C/kariim Guuleed ayaa tababar u furay ciidamo ka tirsan Galmudug isbuucii la soo dhaafay wuxuuna sheegay in dhawaan deegaanada ka tisan Galmudug laga saari doono kooxda Al-Shabaab.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online