Ciidanka Badda Puntland oo xusay Sanad guuradii 5aad markii la dhisay (Masawiro)

October 6, 2015 - Written by Editor

IMG_3154Boosaaso:-Ciidanka Badda dawladda Puntland ayaa maanta u dabaal dagay Sanad guuradii 5aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay ciidanka Badda Puntland waxaana ay soo bandhigeen awoodooda ciidan iyo waxqabadkooda.

Munaasabada si wey loo agaasimay oo lagu xusay Sanad guuradii 5aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay ciidanka Badda Puntland ayaa waxaa lagu qabtay Deegaanka Bandar Siyaad (Qaw) Halkaas oo ay ciidanka Badda Puntland ay ku leeyihiin Saldhig weyn.

Munaasabada lagu xusayey markii la dhisay ciidamada Badda Puntland ayaa waxaa khudabo kala duwan ka jeediyey masuuliin ka tirsan Puntland sida Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Mudane Saciid Xasan Shire  iyo Wasiirka dakadaha, gaadiidka badda iyo la dagaalanka burcad badeeda Puntland Cabdullaahi Jaamac Saalax,

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Mudane Saciid Xasan Shire ayaa u mahad celiyey saraakiisha ciidanka badda Puntland isaga oo amaan u jeediyey ciidamada Badda Puntland oo dagaal adag la galay Burcad Badeedka iyo Tahriibka.

Taliyaha ciidanka badda Puntland Admiral Cabdirisaaq Diiriye Cismaan ayaa waxaa uu aad ugu dheeraaday waxqabadka ciidanka Badda Puntlad iyo dagaaladii ay la galeen Burcad Badeedka iyo Tahriibka wuxuuma sheegay in ay ka guuleysteen.Admiral Cabdirisaaq Diiriye Cismaan ayaa hambalyo u dray ciidanka Badda Puntland wuxuuna sheegay in sanad walba ay horumar sii gaarayaan .

no images were found

Xaflada lagu xusayey Sanad guuradii 5aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay ciidanka Badda Puntland waxaa ka jeediyey khudbad kooban Cabdullaahi Jaamac Saalax Wasiirka dakadaha, gaadiidka badda iyo la dagaalanka burcad badeeda Puntland wuxuuna sheegay in ciidanka Badda uu yahay ciidan ay ku faani karto Puntland oo leh awood iyo khibrad.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online