Golaha Wasiirada oo ansixiyay Sharciga wax ka qabadka Miinda iyo Walxaha Qarxa

October 1, 2015 - Written by Editor

golaha-wasiirada-soomaaliaMuqdisho:-Waxaa maanta golaha wasiirada ee xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya ay yeesheen shirkoodii caadiga ahaa, waxaana shir-guddoominayay kusimaha ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka cadaaladda Cabdullaahi Jaamac Ilka-jiir, iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ansixinta sharciga wax ka qabadka Miinada iyo walxaha qarxa, ansixinta dhismaha hay’adda wax ka qabadka Miinda iyo walxaha qarxa (SEMA).

Ugu horeyn golaha wasiirada ayaa si qota dheer uga dooday hindise sharciyeedka wax ka qabadka Miinada iyo Walxaha qarxa oo ay soo diyaarisay wasaaradda amniga gudaha, waxaana faah faahin dheer ka bixiyay wasiirka wasaaradda amniga Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, isaga oo xusay in muhiimad gaar ah ay leedahay helista iyo nidaam xaqiijinaya wax ka qabadka Miinada iyo walxaha qarxa oo dhibaato ku haya dadka iyo xoolaha ku dhaqan miyi iyo magaaloba, maadaama dalku soo maray dagaalo kala duwan ayna jiraan walxo aan weli qarxin, kuna aasan dhulka hoostiisa, markastana ku qarxa si aan ku talagal aheyn, ayna dhibaateeyaan shacabka iyo hantidiisaba.

“Waxaa cad baahida loo qabo in la helo barnaamij ku haboon howsha Miinada laguna baajinayo dhibaatada iyo khatarta aadami ee ka dhalata Miinda dhulka iyo walxaha aan weli qarxin” ayuu yiri Wasiirka oo xusay in Miinada iyo Waxlaha kale ee qarxa ay dib u dhac dhaqaale u keento degaanada, maadaama laga cabsi qabo in la maalgashado ama dib u dhis iyo horumarinba lagu sameeyo.

Golaha Wasiirada ayaa ugu dambeyntii ansixiyay sharciga wax ka qabadka Miinada iyo Walxaha Qarxa, waxayna sidoo kale isla kulankoodan ku ansixiyeen dhismaha hay’adda wax ka qabadka Miinada iyo Walxaha Qarxa (SEMA).

Ugu dambeyntiina golaha Wasiirada ayaa meel mariyay xeer nidaamiyaha hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa gudaha ka howlgala ee ka shaqeeya howlaha Miinada iyo Walxaha Qarxa.

—Dhammaad—–

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online