Jaaliyadda Leicester oo baaq nabadeed u dirtay beelihii ku dagaalamay Qorilay iyo Magaclay.[Cod/Masawiro]

October 6, 2015 - Written by Editor

9Leicester:-Waxaa magaalada Leicester (U.K) lagu qabtay shir ballaadhan ee Jaalliyada  Leicester (UK) ay soo agaasimeen 02/10/2015, loogana hadlaayey dagaalka ka socda degaanada Qoriley iyo Magacley halkaas oo ay ku dagaalamayaan dad Ehel ah, walaalo ah, isku degaan iyo Oodwadaagna ah.

Furitaanka kulanka ayaa waxa wacdi iyo Aayaad Quraan ah ka akhriyey Sh. Maxamed Salaad oo ah Khadiibka iyo imaanka masjida Ibnu Cutheymiin ee magaalada Leicester , Sh Maxamed Salaad ayaa ugu baaqay beelaha walaalaha ee Oodwadaag ah in dagaalka u dhexeeyo ay joojiyaan Alle u laabtaan oo ay ka fogaadaan dhiiga iyo dagaalada aan waxba laga faa’iidayn Soomaalina ay ku rogmatay 25 sanno ee dowladd la’aanta qabiil qabiil ka adkaadayna aysan jirin.

Sh Maxamed Salaad ayaa sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Jaaliyadda Soomaalida in ay ka fogaadaan hurinta colaada ayna u istaagaan inay taageero hiil iyo hooba ay la garab istaagaan  Issimada , Cuqaasha , Garaadadda iyo Culimada Soomaaliyeed oo dadaal dheer ku bixinaya joojinta colaada.

Kulanka oo ahaa mid si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa dhamaan odayaashii kulanka ka qayb galay waxaa ay si wada jir ah iskugu raaceen in ay taageerayaan waan waanta nabadeed oo ay wadaan Issimada , Cuqaasha , Garaadada iyo culimo’udiinka si loo joojiyo colaad iyo dagaalka.

Gabagabadii ulanka ayaa waxaa warbixino kooban iyo waanooyin ka jediey Sh Cabdinasir Xaaji Axmed oo ku sugan Magaalada Laascaanod ee xarunta Gobolka Sool isago ka warbixiyey halka ay marayso nabadaynta lavbada beelood ee walaalaha ah iyo kulan uu la qaatay Garaad Jaamac Garaad Cali oo ku sugan deegaanka Saaxdheer.

Hoos ka Dhagayso warbixinta Sh C/naasir Xaaji Axmed ka jeediyey kulankii Jaaliayadda Leicester

[audio:http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/warbixinShcabdinasir.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Waxaa kale oo kulan si sidaas la mid ah uga warbixiyey halka uu maray dadaalka nabadeed ee Issimada , Cuqaasha iyo Culimada  Sh Maxamed Xaaji Yuusuf oo ku sugan magaalada Garoowe .

Hoos ka Dhagayso warbixinta Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf ka jeediyey kulankii  Jaaliayadda Leicester

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/warbixinSh%20Maxamuud.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Hoos ka akhri Baaq ay Jaaliyadda soomaaliyeed ee magaalada Leicester, Uk  u dirayaan Beelaha walaalaha ah ee Oodawaag ah ee ku dagaalamay deegaanada Qorilay iyo Magaclay:

1) Waa in colaada halkaas ka aloosan si deg deg ah oo sharuud la’aan ah loo joojiyo.

2)  Waxaan taageer sanahay culumadda iyo wax garadka guddaha jooga bayaanadda ay soo saareen.

3)  Waa in arrinkaan looga dambeeyaa culumadda iyo Issimadda.

4)  Waa in si caddaalad ah sida shareecaddu qabto loo maraa xalinta arrinkaan.

5) Dadka is haya waa jirkayagii dadka dhimanayana waa dadkayagii,sidaas darteed waana dhibaysaa geerida aan maalin kasta maqleeyno.

6) Waa Inaad ka taxadartaan iskana hubisaan wararka aan sal iyo baarka laheyn ee la isu marinayo idaacadaha iyo mareegyada kale ee la aqristo

no images were found

Hoos ka Daawo Baaqa Nabadeed ee ay Jaaliyadda Leicester u dirtay beelo walaalo ah oo ku dagaalamay deegaanada Qorileey Iyo magacleey

Aqoonyahan Abdifataax Guure
Leicester , Uk

 

 

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online