Madaxweynaha DFS oo Warqadihii Aqoonsiga Safiirnimo ka gudoomay safiirka dalka Denmark.(Masawiro)

October 5, 2015 - Written by Editor

3Muqdisho:-Safiirka Cusub ee Dowladda Denmarka ay usoo Magacaawday Soomaaliya Mss Mette Knudsen ayaa ugu horeyn xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxa ay kulan kula qaadatay wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya,waxa uuna ka guddoomay nuqul ka mid ah Warqadaheeda aqoonsiga Safiirnimo.

Intaasi kaddib Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa Safiirka Cusub ee Dowladda Denmarka ay usoo Magacaawday Soomaaliya Mss Mette Xarunta Madaxtooyada Qaranka kaga Guddoomay, warqadaheeda aqoonsiga Safiirnimo, intaasi kaddib  waxa ay wada Qaateen kulan ay kaga hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirka Cusub ee Dowladda Denmark u soo Magacaawday Soomaaliya waxaa goob joog ahaa, Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Dhiiri gelinta Maalgashiga Soomaaliya mudane C/Salaan  Hadliye Cumar.

Safiirka Dowladda Denmark ee Soomaaliya  u joogi doona Mss Mette Knudsen Oo warbaahinta Qaranka la hadashay ayaa ka hadlaysa  Magacaabisteeda Soomaaliya

“Maanta maalin wayn ayay ii tahay  Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu iga guddoomay Warqadahayga aqoonsiga Safiirnimo waxaana si dhow  uga shaqayn doonaa Xiriirka labada dale e Denmark iyo Soomaaliya”  Ayay tiri Mss Matte Knudsen.

Iyadoo sii hadlaysa Safiirka Dowladda Denmark waxa ay sheegtay in Denmark ay Samaysay qaab cusub oo lagu taageerayo Dowladda Federaalka Soomaaliya  gaar ahaan Horumarinta Dowladda iyo Dowlad Gobolleedyada dalka kajira iyo si doo kale in fursado shaqo loo a buuro Dhallinyarada Soomaaliyeed.

no images were found

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Dhiira gelinta Maalgashiga Soomaaliya mudane C/salaam Hadliye Cumar ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay horumarada Dhinaca xiriirka caalamiga ah ee soomaaliya ay ku talaabsaneyso.

Dowladda Soomaaliyeed ayaa mudooyinkii dambe horumaro kala duwan waxa ay ka sameyneysay xiriirka Caalamiga iyadoona ay sii kordhayaan dalalka caalamka ee Safiiro usooo magacaabanaya dalkeenna.

—-Dhamaad——

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online