Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo u dhoofay dalka Kenya (Masawiro)

October 3, 2015 - Written by Editor

IMG_8422Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wfdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo , waxaana ay ku sii jeedan dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nayroobe ee caasimadda dalkaasi.

Ka hor inta uusan madaxweynuhu ka dhoofin garoonka , waxaa uu gudaha magaalada Gaalkacyo gaar ahaan agagaarka suuqa xera dayax ka dhagax dhigay xarun cusub oo laga dhisayo boqol dukaan iyo saddex firshaan oo casri ah , waxaana fulinaya dawladda Puntland .

Sidoo kale waxaa uu madaxweyne Gaas dhagax dhigay xarumo cusub oo ay yeelanayaan Wasaaradda haweenka iyo arrimaha Qoyska Puntland iyo Hay’adda wadooyinka Puntland , dhulalkaasina waxaa ay kamid yihiin dhulalkii Dawladda ee ay dhawaan dawladda Puntland ka saartay shacabka Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dalka Kenya uu u aadayo sidii uu uga soo qeyb-geli lahaa shirar muhiim ah , intooda badan looga hadlayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka .

‘’ Deeq bixiyayaasha iyo hey’addaha caalamiga ah ayaanu shir kula leenahay magaalada Nayroobi , waxaana rajeyn in shirarkaasi ku soo dhammaadaan si guul ah ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

no images were found

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed u rajeeyey guul, horumar iyo amaan , isagoona shacabka reer Puntland kula dardaarmay inay xoojista amnigooda kana faa’iideystaan horumarka baaxadda leh ee guud ahaan Puntland ka soconaya.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online