Madaxweyne Gaas ayaa la kulmay Safiirka Dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

October 7, 2015 - Written by Editor

gawNairobi:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Nayroobi ee caasimadda dalka Kenya kula kulmay Safiirka Dawladda Talyaaniga u fadhiya Dalka Soomaaliya Ambasador Fabrizio Marcelli . Kullanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya, mashaariicyada horumarineed ee Talyaanigu ka fulinayo gudaha Puntland iyo mashaariic horleh oo Dawladda Talyaanigu ku rajo weyn tahay inay ka hirgeliso Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa safiirka sharaxaad dheer ka siiyey halka uu marayo dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso oo heer gebo gebo ah maraya .

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale Dawladda Talyaaniga ka codsday in qeybaha kala duwan ee ciidanka Puntland siiso tababaro kor loogu qaadayo aqoontooda, si ay ulaba jibaaran howsha amaan ee ay kawadaan Puntland.

Safiirka Dawladda Talyaaniga u fadhiya Dalka SoomaaliyaAmbasador Fabrizio Marcelli ayaa isna dhankiisa sheegay in mar walba ay Dawladda Talyaaniga ka go’antahay sii wadida mashaariicda horumarineed ee ay kawadaan Puntland .

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online