Madaxweyne Gaas oo la kulmay ku xigeenka safiirka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya.[Masawiro]

October 6, 2015 - Written by Editor

22Nairobi:-Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas oo weli ku sugan dalka Kenya ayaa magaalada Nayroobe ee caasimadda dalkaasi kula kulmay ku xigeenka safiirka Jarmalka ee Soomaaliya, ahna ku simaha safiirka Ambaasadar Christian Resch, madaxa hay’adda GTZ Hendrik Linneweber, madaxa xiriir-ka iskaashiga Julia V.M. Kronberg iyo wakiilka bangiga horumarinta  Jarmalka ee KFW.

Kulanka ayaa looga hadlay hormarinta Mashaariicda Dawladda Jarmalku ay ka wado Puntland,oo ay ka mid tahay dhismaha Jidka dheer ee isku xira Garowe iyo Gaalkacyo,  iyo mashaariicyo kale oo horumarineed oo la filayo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Gaas ayaa madaxda uu la kulmay ka codsaday inay derder geliyaan fulinta mashaariicdaasi , si ay u muuqato kaalinta ay Dawladda Jarmalka ka qaadanayso horumarka baaxadda leh ee ka soconaya guud ahaan Puntland.

Madaxda Jarmalka ayaa balan qaaday in ay dadajiyaan hirgilinta mashaariicda ay ka wadaan Puntland sida mashruuca dayactirka waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo ee GTZ, dhawaana ka furanayaan xafiis caasimada Garowe.

Dawladda Jarmalku ay waxay balanqaaday inay sii laba jibaarayso mashaariicda horumarineed ee ay ka fulinayso gudaha Puntland ayna mar walba garab taagan yihiin hurmarka ka socda Puntland.

no images were found

 Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

-DHAMMAAD-

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online