Madaxweyne Gaas oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub & kan dalka Swedan u fadhiya Soomaaliya.[Masawiro]

October 8, 2015 - Written by Editor

1Nairobi:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Nayroobe ee caasimadda Dalka Kenya kullan kula qaatay Safiirka Midowga Yurub  Soomaaliya u fadhiya Danjire Michele Cervone d’Urso.

Kullanka oo ay madaxweynaha ku wehliyeen xubno Wasiiro ah oo katirsan xukuumadda Puntland ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub kawado Puntland iyo xoojinta xiriirka kawada dhaxeeya labada dhinac.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa safiirka kala hadlay in deeqaha cusub ee Midowga Yurub Soomaaliya ugu talagalay Puntland saamigeeda la siiyo , maadama ay Puntland si habsami leh uga soconayaan mashaariicyo horumarineed oo waxtar uleh bulshada Soomaaliyeed.

Safiirka Midowga Yurub  Soomaaliya u fadhiya Danjire Michele Cervone d’Urso ayaa isna dhankiisa balan qaaday in Midowga Yurub ka go’antahay in Puntland oo ah dhul nabad ah ay ka fulinayaan mashaariicyo horumarineed oo horleh .

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu dambeyn Midowga Yurub uga mahadceliyey is garab taagii shirkii Wadatashiga ee Gaalkacyo ka qabsoomay.

no images were found

Dhinac kale Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo weli ku sugan dalka Kenya ayaa magaalada Nayroobi ee caasimadda dalkaasi kula kulmay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dawladda Sweden Ambassador Mikael Lindvall.

Kulanka ayaa looga hadlay hourmarinta Mashaariicda Dawladda Sweden kawado Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya , waxaana mashaariicdaasi kamid ah Waxbarashada Caafimaadka ,Hiigsiga Cusub iyo barnaamijyo kale oo horumarineed.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Gaas ayaa Safiirka kala hadlay in Dawladda Sweden derder geliso mashaariicdaasi , si ay u muuqato kaalinta ay Dawladaasi ka qaadanayso horumarka baaxadda leh ee ka soconaya guud ahaan Puntland iyo Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dawladda Sweden Ambassador Mikael Lindvall ayaa isna dhankooda balanqaaday in ay dadajiyaan hirgilinta mashaariicda ay ka wadaan Puntland oo uu ku tilmaamay inay gaartay horumar baaxad leh .

no images were found

 

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta , Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online