Midawga Africa oo xilkii ka qaaday wakiilkoodii gaar ka ah ee Soomaaliya

October 8, 2015 - Written by Editor

hhNairobi:-Guddoomiyaha Guddiga Midowga Africa Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma, ayaa waxaa uu xilkii ka qaaday wakiilkii hore gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa howlgalka AMISOM Ambassador Maman Sambo Sidikou oo ka soo jeeda waddanka Niger waxaan wakiilka gaar ka ah ee Soomaalya ee howlka AMISOM loo soo magacaabay Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira oo u dhashay dalka Mozambique.

Wakiilka cusub ee Amassador Francisco Madeira ayaa waxaa uu ku dhashay magaalada Beira ee dalka Mozambique 4 April sanadkii 1954. Waxaa uu bartay cilmiga xiriirka caalamka ka bartay Jaamacad ku taala magaalada Daaru Salaam ee Tanzania, waxaana sidoo kale shahaadada sharciga ka qaatay Jaamacada Eduardo Mondlane oo ku taala magaalada Maputo ee caasimadda dalka Mozambique.

Ciidanka AMISOM iyo Madaxdooda ayaa waxgaradka Soomaaliya waxaa ay ku eedeeyeen in aysan wax la taaban karo ka qaban magaalada Muqdisho ayna dilal kale duwan u geysteen dad rayid ah taas oo sababtay in magaalada Muqdisho uu ka dhaco banaanbax ka dhan ah ciidanka AMISOM.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online