Muftigii hore ee Al-qacid Abu Xafsa Muritaani oo mar kale waraysi siiyey Tv Al-jazeera.[Daawo]

October 7, 2015 - Written by Editor

akhbar_bannerDoha:-Waxaa Tv-Al-jazeera 27 bishii March 2015 uu waraysi gaar ah la yeeshay Muftigii hore ee ururka Al-Qaacida Abu Hafsa Al-Muritaani isagoo ka waramay xaaladihii dalka Yeman, Lubnan, Ciraaq iyo Syria iyo sidda ay dowladda Iran iyo Mukhaabaraadkeeda uga howl galaan ilaa ay dowladdahaas ay u gacan galeen una afduuban yihiin.

Muftigii hore ee ururka Al-Qaacida Abu Hafsa Al-Muritaani ayaa sheegay in sababtay ay Iran gacanta ugu dhigtay dalalka badan oo suni ah ay tahay gacan ay ka helayso reer Galbeedka arrinkaas oo ay waxba ka qaban Madaxda dowladdaha Suniga ah isagoo si gaar ah u tilmaamay Dowladdaha Khaliijka iyo Masar.

Muftigii hore ee ururka Al-Qaacida Abu Hafsa Al-Muritaani ayaa xusay in dalalka Yeman , Lubnan, Syria iyo Ciraaq lagu dulmiyey dadka Suniga ah balse ay u dhowdahay in ay noqdaan Aqaliyo halka Kooxaha Shiicadaha ah iyo Kuridigu ay noqdeen kuwa awoodooda ay sii badanayso gacan ka hellaysa reer Galbeedka.

Muftigii hore ee ururka Al-Qaacida Abu Hafsa Al-Muritaani ayaa sheegay in dagaalka in Carabta Suniga ah ay noqdeen kuwa la dayacay ka dib markii kooxaha dagaalamay uu mid walba lagu sheego koox hebelaayo waa wadaniyiin , koox heblaayana waa dowladda Islaamiya taas oo sababtay in ay noqdaan Aqaliyaad Suniyiintii oo ka cararay dalalkoodii una soo hayaamay dalalka reer Galbeedka.

Muftigii hore ee ururka Al-Qaacida Abu Hafsa Al-Muritaani ayaa yiri ” haddii ay doonayaan dadka Muslimiinta in ay ka guulaystaan cadawgooda waxaa laga doonayaa in ay la yimaadaan heshiis dhexdooda ah , Midnimo buuxda iyo in ay alle u toobadkeenaan.

Hoos ka Daawo qaybtii Koowaad ee waraysiga Al-jazeera Muftigii hore ee ururka Al-Qaacida Abu Hafsa Al-Muritaani

Dhinac kale Muftigii hore ee ururka Al-Qaacida Abu Hafsa Al-Muritaani ayaa waxaa wax laga wiidiiyey kooxaha hubaysan ee ka dagaalamay ciraaq iyo Syria gaar ahaan kooxda dowladda Islaamiga [Daaich] iyadoo la wiidiiyey isku ekaanshaha ka dhexeeya Al-qacid iyo Daaich.

Muftigii hore ee ururka Al-Qaacida Abu Hafsa Al-Muritaani ayaa ku dooday in garabka Daaich uusan ahayn si rasmi ah uga farcamin ururka Al-qacid balse ay maslaxad isku keentay maslaxadaas oo ahayd dagaalkii lagula jiray cidanka Marayana ee ku soo duulay dalka Ciraaq.

Muftigii hore ee ururka Al-Qaacida Abu Hafsa Al-Muritaani ayaa xusay in ururka Al-qacid uu wax badan ku khilaafsan yahay ururkii Kooxda Towxiid ee uu hogaaminayey Abu Mascab Zarqaawi oo markii danbe ku biiray Al-qaacid ka dib markii la dilayna noqday Daaich waxaan tlmaamay arrimaha soo socda.

1. In la gaalaysiiyo Shiicadda ka dibna lala dagaalamo.

2.In ururadii jihaadka ka waday Ciraaq lala dagaalamo.

3. Qaabka loola dhaqmayey Qabaa’ishii Ciraaq oo hayd mid adag marka la eego qaabka loogu dhaqayey shareecadda Islaamka oo hogaanka Al-qaacid uu arkayey in ay haboonayd si tartiib tartiib ah in loogu dhaqo shareecadda.

4. Dilalka Gaaladii ku noolayd Ciraaq iyo in la qarxiyo Kaniisadahooda.

Muftigii hore ee ururka Al-Qaacida Abu Hafsa Al-Muritaani oo wax laga wiidiyey kooxda Daaich ayaa sheegay in uu wax badan ku khilaafsan yahay uuna arko i shareecada islaamka ay khilaafsan tahay waxaan uu ka xusay:-

1. Dilalka loo gaysto saxafiyiinta ka howl gala Ciraaq iyo Syria.

2. Dilalka Gowrac ah ee lagula kaco maxaabiista u gacan gala Daaich.

3.Dilalka dadka rayidka ee aan dagaalka ku jirin ama aan qayb ka ahayn.

4.Ma banaaa in lala dagaalamo Kooxaha ka dagaalamaya Ciraaq iyo Syria ee khilaafsan Daaich.

5. Gaalaysiin indho la’aanta ah oo ay kooxda Daaich kula kacdo cid walba oo khilaafsan.

Muftigii hore ee ururka Al-Qaacida Abu Hafsa Al-Muritaani waxa uu ku baaqay in lala doodo kooxda Daaich oo aysan banaanay in dowladdaha darsika la ah Ciraaq aysan soo raacaan howanta reer Galbeedka ah ee sheegaya in ay la dagaalamayaan Daaich isagoo meesha ka saaray in uusan aqoonsanay khilaafad ay sheegteen kooxda dowllada Islaamiga Ciraaq iyo Shaam[Daaich]

Ugu danbaynti ayaa sheegay Muftigii hore ee ururka Al-Qaacida Abu Hafsa Al-Muritaani in ay waajib tahay in Jihaadka looga danbeeyey culimada cilmi diinta aqoon durugsan u leh hadiii aysan iyagu hogaanka u qaban ama ka talo bixina ay dhacayso wax maanta socda isagoo arrinta ku sababeey in kooxaha hubaysan aysn ogalayn dowrka iyo towjiihaadka culimada waaweyn taasna ay sababtay khalalka jira.

Hoos ka Daawo qaybtii 2aad ee waraysiga Al-jazeera Muftigii hore ee ururka Al-Qaacida Abu Hafsa Al-Muritaani

Cabdicasiis Maxamed
Nairobi,Kenya

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online