Mu’ssadda Zaylic ”سلسلة حقائق تنشر لأول مرة.. هذا ماجرى في الصومال” Xaqiiqooyin dahsoonaa oo la soo bandhigayo

October 7, 2015 - Written by Editor

13Muqdisho:-Waxaa baraha Internetka ee taageera Ururka Al-qacida iyo weliba Socila Media ah  lagu faafiyey fariin qoraaleed loogu magacdaray ”Xaqiiqoyin Dahsoonaa ee Soomaalya oo wajiga laga faydi doono” Qoraal kaan ayaa waxaa faafiyey Mu’ssadda Zaylic oo ah garab warbaahineed oo soo baxay markii ay amniyaadka ururka Al-shabaab ay ku dileen degmada Baraawe Ibrahim Afgan , Macalin Burhaan , halka Sh.Xassan Daahir Aweys ka baxsaday Baraawe uuna tegay degmad Cadaado markii danbese loo soo qaaday diyaarada lana geeyey magaalada Muqdisho oo hadda uu ku jiro xabsi guri.

Qoraalkaan loogu magacdaray ”سلسلة حقائق تنشر لأول مرة.. هذا ماجرى في الصومال ” Xaqiiqoyin Dahsoonaa ee Soomaaliya oo wajiga laga faydi doono iyo wax ka socda soomaaliya” ayaa waxaa uu xanbaarsan yahay eedeymo culus oo warbaahinta Mu’ssadda Zaylici u jeedinayso Hogaanka ururka Al-shabaab waxaan Mu’ssaddan ay marar kale duwan ay faafisay qoraalo iyo bayaano ay qoreen Ibrahim Afgani , Abu Yasir al-muqshi, Abu Yusuf Gariib iyo shir jaraa’id oo uu qabtay Sh.Xassan Daahir Aweys uuna ku hadlayey Afka carabiga si dhawaqooda cabashada ah ay u gaarsiyaan Hogaanka ururka Al-Qaacid.

Warbaahinta Mu’ssadda Zaylici ayaa ku andacootay in ay cabashooyin fara badan ay u gudbiyeen hogaanka Al-qaacid gaar ahaan garabka ku sugan dalka Yeman iyagoo sheegay in dhalinyaro ka tegay Soomaaliya oo gaaray Yeman ay xaalada ay ku sugan yihiin Muhaajiriinta iyo ururka Al-shabaab ay uga warbixiyeen iyagoo in mudo ah ka dhowrayey go’aan qaadasho ku aadan dilalka iyo xabsiyada qarsoon oo ay ururka Al-shabaab kula kaceen Muhaajiritii ka dhinac dagaalamayey iyo weliba dhalinyarada Mujaahidiinta al-shabaab ka tirsanaa ee ka horyimid xadgudubka Hogaanka ururka Al-shabaab waa sidda hadalkooda ay u dhigeene.

Warbaahinta Mu’ssadda Zaylici ayaa qaylo dhaantaan waday wixii ka danbeeyey dilkii Ibrahim Afgan , Macalin Burhaan , Abu Mansuur Amriik iyagoo bayaanaad iyo qoraal ku soo bandhigayey xaalada nololeed ee Muhaajiriinta iyo dhalinyarad ku xiran Xabsiyada Al-shabaab iyo kuwa u soo baxsaday dalalka dariska ah ee hadda ku xiran Xabsiyadda dalka Kenya.

Warbaahinta Mu’ssadda Zaylici ayaa ku eedeysay ururka Al-qacid in uusan soo fara gelin xaalada murusan ee Soomaaliya ka jira balse waxaa ay eed u jeediyeen ururka Al-qacid garabka Yeman ka dib markii uu fariin Tacsi ah u diray ururka Al-shabaab markii la dilay Hogaamiyahoodii Axmed Cabdi Godane arrinkaasna ay ku tilmaameen xadgudub taageero loogu muujinayo hogaamiyey dilaa ah oo laayey hogaankii Mujaahidiinta Al-shabaab.

Dhinac kale Warbaahinta Mu’ssadda Zaylici ayaa waxaa ay eed kula dul dhacday warbaahinta Al-qaacid oo ay ku eedeyeen in aysan waaqic dhabta ah ee hogaanka ururka Al-shabaab iyo weliba fariimo qoraaleed kooda aysan si dhab ah ugu gubin Hogaanka Al-qaacida gaar ahaa Dr Ayman Dawaahir.

Ugu danbayntii ayaa Warbaahinta Mu’ssadda Zaylici waxaa ay sheegeen in ay si wadi doonaa fariimaha iyo bayaanaada ku saabsan xaaladaa dalka soomaaliya gaar ahaan Hogaanka Al-shabaab iyagoo ku goodiyey in aysan ka amuusi doonin Xaqa maadaama Xaqa oo laga aamuso ay tahay danbi weyn gaar ahaan tacadiyada ku dhisan gardarada oo ay wadaan Hogaanka Al-shabaab. Halkaan ka eeg qoraalka oo ku qoran Afka carabiga.

Eedaymaha ay Warbaahinta Mu’ssadda Zaylici u soo jeediyen Hogaanka Al-shabaab ka jawaabistooda waxaa leh kooxda eedeynta loo jeediyey , qoraaladaan iyo bayaanaadka ayaa waxaa lagu daabacay baraha Internetka ee Taageera ururka Al-qaacid gaar ahaan.

1. شبكة أنا المسلم للحوار الإسلامى

2. شبكة عرين المجاهدين

Qoraalada ay horay u faafiyeen iyo bayaanaadka مؤسسة الزيلعي للإنتاج الإعلامي ayaa waxaa ka xusi karnaa:-

مؤسسة الزيلعي للإنتاج الإعلامي تقدم بيان عن الإعتقالات الجديدة على يد زبانية ابي الزبير وحالة الأسرى 1

2. مؤسسة الزيلعي للإنتاج الإعلامي تقدم رسالة من المجاهدين المطاردين في الصومال

3.عاجل : #الصومال #حركة_الشباب تحشد ضد الشيخ ابو منصور مختار روبو لقتل اخر قيادي للقاعدة

4. (حركة الشباب تختطف زوجة الشهيد ابو أسامة (عدي

5نـــعــم هــنــاك مشـــكلة ## للشيخ المجاهد القاضي زبير المهاجر السجين في أقبية سجون حركة الشباب المقاتلين في الصومال منذ عامين

6تهنئة للأمة بارتقاء شهيد الحق أبومنصور الأمريكي تقبله الله  للشيخ المجاهد حفظه الله   أبوياسر المقدشي 

7اوذينا من قبل ان تأتينا ومن بعد ماجئتنا / رسالة مفتوحةمن الشيخ أبي يوسف الغريب الى الشيخ أيمن الظواهري

8. الآن~ رسالة إلى شيخنا وأميرنا : [ الشيخ أيمن الظواهري] إني أنا النذير العريان /أبو بكر الزيلعي

9. مطالبة محاكمة مع أمير حركة الشباب المجاهدين ## / زبير المهاجر رئيس محكمة التحكيم

10. هـام جدا # المؤتمر الصحفي للشيخ المجاهد حسن طاهر أويس حول الأوضاع التي تمر بها الصومال

11.  هام للغاية ~ فتوى هامة حول محاولة اغتيال أبي منصور الأمريكي ورفاقه خطاب المصري و أسامة البريطاني

12. النداء العاجل ## لإنقاذ حياة أبي منصور الأمريكي وصحبه / أبو يوسف الغريب

13. الآن~ أجوبة اللقاء المفتوح مع الشيخ المجاهد أبي منصور الأمريكي حفظة الله

14. أتقتلون رجلا أن يقول ربي الله ~ رسالة مفتوحة حول ماحدث ويحدث في بلاد الصومال 

15. باللغة العربية # ليلة إستشهاد العلماء ماقبلها ومابعدها ~~ للشيخ المجاهد أبوياسر المقدشي

16.  انتهاكات جديدة وسفك للدماء ## ومازالت المأساة مستمرة في أرض الصومال الحبيبة 

17.  حسبنا الله ونعم الوكيل # استشهاد الشيخ المجاهد ابومنصور الأمريكي والاخ المجاهد اسامة البريطاني

18. رسالة صوتية عاجلة من الأخ المجاهد # خطاب المصري # حفظه الله الى المجاهدين عامة وحركة الشباب خاصة

19. تهنئة للأمة بارتقاء شهيد الحق أبومنصور الأمريكي تقبله الله // الشيخ أبوياسر المقدشي حفظه الله 

20. إِنِّي لِعَمَلِكُم مِّنَ الْقَالِينَ // رسالة عن حركة الشباب وإدارتها المنحرفة // أبو يوسف الغريب

21.  رسالة من المجاهدين في الصومال الى الأمة وقادتها # الناس سواسية كأسنان المشط # // أبويوسف الغريب

22. تغريدات حول  #جرائم_حركة_الشباب_الصومالية واستخدامها #الإعلام_الجهادي في اخذ الغطاء الشرعي لسفك الدماء المعصومة في #الصومال

23. مطالبة حركة الشباب المجاهدين بالكشف عن مصير القادة والمشائخ والأخوة المختطفين في سجونها

Hoos ka eeg qoraaladii hore ee aan horay u faafinay una tarjunay laguna faafiyey baraha taageera Ururka Al-qacida

Halkan ka Akhriso Bayaankii Ibraahim Afgaani

Halkan ka Akhriso Wareysigii Abu Mansuur Al-Amriki

Halkan ka Akhriso Qoraalkii Zubeyr Al Muhaajiri

Halkan ka Akhriso Warsaxaafadeedkii Sheekh Daahir Aweys.

Halkan ka Akhriso Fatwo laga soo saaray isku daygii lagu khaarajin lahaa Abu Mansuur Al-amriki

Qaybaha kale ayaan dib idinkaga soo tarjumi doonaa hadii Alle idmo

Source: مؤسسة الزيلعي للإنتاج الإعلامي
ذو القعدة ١٤٣٦ ه, شبكة عرين المجاهدين

Qoraalka waa isku soo dubariday
Cabdicasiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online