R.W. K/xigeenka Xukuumada oo qaabilay wafdi ka socday dowladda Switzerland

October 6, 2015 - Written by Editor

swiss4Muqdisho:-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha Wasiirada ayaa maanta qaabilay wafdi ka socday dowladda Switzerland, waxaana wafdigan hogaaminayay Dominik Langenbacher oo ah Danjiraha dowladda Switzerland ahna wakiilka gaarka ah u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale, ka mid ahaa Prof. Iur. Kurt Nuspliger oo ah khabiir dhanka arrimaha Federaalka, waxaana kulanka labada dhinac diirada lagu saaray habka Federaal ee ugu haboon ee Soomaaliya lagu dhaqi karo, maadaama ay jiraan habab kala duwan oo dowladdaha caalamka ee qaatay Federaalka ay ku dhaqmaan.

Labada dhinac ayaa si qota dheer isula eegay noocyada kala duwan ee Federaalka, waxaana tusaale ahaan ay u soo qaateen 5-ta tiir ee habka Federaalka udub dhexaadka u ah.

Danjiraha dowladda Switzerland ee Soomaaliya Dominik Langenbacher oo goobta ka hadlay ayaa xusay in Soomaaliya ay leedahay dowlad rasmi ah oo la aqoonsan yahay, ayna haatan doonayaan inay ka taageeraan sidii ay u heli laheyd Nidaam Federaal oo ku haboon, maadaama caalamku ku dhaqmo noocyo kala duwan oo Federaal ah “Waxaan arrintan u xilsaarnay khubaro ku xeel dheer arrimaha Federaalka, waxaana rajeyneynaa in la helo habka ugu haboon ee Federaal ee Soomaaliya ay ku dhaqmi karto” ayuu yiri Danjiraha Switzerland isaga oo intaasina raaciyay in dhanka dhaqaalaha ay gacan ka geysanayaan fulinta qorshahan.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumada Mudane Maxamed Cumar Carteh oo iska kulankan ka hadlay ayaa uga mahadceliyay wafdiga iyo xubnaha khubarada ah ee la socda isku daygooda sidii loo heli lahaa Nidaam Federaal ah oo ku haboon dalka Somaaliya, wuxuuna xusay in Xukuumada Soomaaliyeed oo kaashaneysa hay’addaha ay khuseyso arrinkan ay ku dadaaleyso sidii looga talo gelin lahaa, si ugu dambeynta loo helo habka ugu haboon ee Federaal ee dalka Soomaaliya lagu dhaqo.

—Dhammaad—–

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Somalia 

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online