Sh C/naasir Xaaji Axmed oo aan ka waraysanay halka ay marayso Nabadayntii colaadii Qorilay.[Dhagayso]

October 2, 2015 - Written by Editor

shcabdinasirLaascaanood:-Shabakadda wararka Halgan.net ayaa saaka waraysi gaar ah la yeelatay Sh C/naasir Xaaji Axmed oo ka mid ah culimada dalka Soomaaliya ugu waaweyn kuna nool hadda magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool oo uu Sheekhu dacwo balaadhan uu ka wado. Sheekh. C/naasir Xaji Axmed iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa maalmo ka hor gaaray deegaanada ay dagaalada ku dhexmareen beelo walaalo ah ahna oodwadaag, Sheekha ayaa waxaa uu kulan la qaatay Garaad Jaamac Garaad Cali oo ku sugan deegaanka Saaxdheer iyo odayaasha dhaqanka waxaan kulankooda uu ku soo dhamaaday iyo is afgarad lagu gaaray in colaada la joojiyo nabadna la qaato.

Socdaalka Sh C/naasir Xaaji Axmed ayaa waxaa ku weheliyey Sh. Dr Axmed Jaamac Ismaaciil , Madaxa Kuulliyadaha ee Jaamacada Nugaal , Sheekh. Axmed Maxamed Sulaymaan , Madaxa Xafiiks Dacwada gobolka Sool , Culimo’mudiin , odayaal iyo waxgarad kale duwan.

Sh C/naasir Xaaji Axmed ayaa deegaanada uu maray waxaa ka mid ah Kalabaydh iyo Daba taag, Saaxdheer waxaan uu kulamo kale duwan la qaatay waxgaradka , odayaasha dhaqanka waxaan dhamaan la isku raacay in deg deg loo joojiyo colaad beelaha walaalaha ah ee Oodwadaag ah.

Sh C/naasir Xaaji Axmed ayaa ugu baaqay Jaaliyaadka dibada ee Soomaaliyeed in ay qayb ka qaataan siddii ay colaada loo soo afjari lahaa iyo in ay gacan ku siiyaan Issimada , Garaada , culimada ku howlan  nabadaynta labada beelood ee walaalaha ah.

Dhinac kale culimo’udiinka ku sugan Gobolka Nugaal gaar ahaan Sheekh. Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa wada kulamo lagu soo afjarayo colaada waxaan ay dhamaan odayaasha iyo Issimada isla gaareen in colaada la joojiyo lana kala qaado ciidamada waxaan  ay socotaa arrinkaas.

Hoos ka Dhagayso waraysiga kooban ee Sh Cabdinaasir Xaaji uu siiyey Halgan.net

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Finalwaraysi.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Hooska Dhagayso Codkii Culimadda oo ku baaqaya in la joojiyo colaada Qorilay iyo Magaclay waxaa barmaamijkaan diyaariyey maalintii ciidul adxaa Idaacadda Qur’aanka kariimkaa Al-Xikma

[audio: http://www.alminhaaj.com/minhaaj/wp-content/uploads/2015/07/Barnaamijka-Ciid-MubaarakEe-Culumada-Soomaaliyeed-By-Nuur-Jaamac-Aadan.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online