Wafdi uu hogaaminayo guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka DFS oo loogu soo dhaweeyey Towfiiq Iyo Garacad[Masawiro]

October 6, 2015 - Written by Editor

DSC_0746Gaalkacyo:-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho ku tagay degmooyinka Towfiiq iyo Garacad ee gobolka Mudug. Wafdiga Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka uu hogaaminayo ayaa kala ah Xidlhibaan Cali Ameeriko oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, Wasiirudowlayaasha Arrimaha Gudaha iyo Caafimaadka eePuntland, ku simaha Guddoomiyaha gobolka Mudug iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Aroortii hore ee maanta waxa uu la kulmay macalimiinta iskuulka Towfiiq oo uu ku wareejiyey lacag mushaaraadkooda ah,ka dibna waxa uu daawo ku wareejiyey isbitaalka degmada Towfiiq, kadibna waxa ay gudagaleen gurmad biyo dhaamin ah oo dadka degmada Towfiiq iyo deegaannada ku dhow aad ugu baahi qabeen waxaana maamulka gobolka Mudug uu Guddoomiye ku xigeenka Labaad ku wareejiyey lacag ku talagal keedu yahay in biyo la’aanta jirta dadka laga caawiyo taasi oo uu uga mahad celiyey madaxweynaha Puntland,sidoo kalena waxa uu deeq raashiin ah ku wareejiyey haweenka degmada si loo gaarsiiyo qoysaska tabaaleysan taasi oo dadka degmada Towfiiq ay aad uga mahad celiyeen.

Ka hor inta aanay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo wafdigiisa kasoo ambabixin degmada Towfiiq waxa uu dhagax dhigay dhismaha saldhiga booliiska degmada Toowfiiq kaasi oo si rasmi ah dhismihiisa loo bilaabay dhinaca kalena waxa uu dadka degmada Toowfiiq iyo deegaannada
ku dhow dhow ugu bishaareeyey in dhowaan si rasmi ah Seddex todobaad gudahood loo bilaabi doono qodista ceel biyood si looga gudbo baahida biyo la’aanta ah.

Gelinkii dambe ee maanta wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxa ay gaareen degmada Garacad ee gobolka Mudug ayagoo si gaar ah u booqday dekedda magaaladaasi waxaana maalinnimada berrito ah hadii uu Alle idmo wafdiga ay ku wajahan yihiin magaalada taariikhiga ee Jariiban.

no images were found

—-DHAMMAAD—-
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online