Barnaamij laga Diyaariyey Gurmad loo Fidiyey Deegaanka GOD’AAALO ee Gobolka Soo.l[Video]‏

November 25, 2015 - Written by Editor

GILaascaanood:-Iyadoo maalmahaan xanuuno iyo abaaro ba’an laga soo sheegay deegaanka god’aalo ee gobolkka Sool oo magaalada Laascaanod kaga beegan dhanka 135 km bari ayaa waxaa ka jawaabay qaylo dhaan ka soo yeedhay deegaankaa dhakhaatiir caafimaad oo isugu jira, Urur dhaq dhaqaaqa xiradlayaaaasha caafimaad oo ka hawl gala cuspitaalka manhal dhakhaatiirta Jaamacada Nugaal iyo Ururska SCODO .

Dhakhaatiirtan oo maalinadmii shalay gurmad caafimaad ah ku tegey deegaanka God’aaalo ayaa waxy halkaa ku sameeyeen gargaar caafimaad oo u sameeyeen dadyowga kala duwan ee deegaanka.

Dakhaatiirtan oo uu hogaaminayey Dr Abdi Majiid xuseeen sugulle oo ka ka mid ahaa dhakhaatiiirtii cusbitaalka Manhal ayaa ka warbixiyay xaalada aadag ee ka jira deegaanka , gaar ahaan dhinaca caafimaadka iyo wax ay ku arkeen dadyoawgii kala duwana ee ay daaweeyeen .

Dhinaca kale , Dr Maxamed Cabdi samad cali oo isnna qayb ka ahaa dhakhaatiirtan ayaa isna inooga warbixiyay hawshii u qabsoontay. Waxgaradka deegaanka god’aalo ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed qaylo dhaan iyo gurmad deg deg in lala soo gaadho shacabka deegaanka god’aaalo .

Maxamduu Cabdi Biciid Fuul oo ah duqa degmada God’aalo ayaa isna inooga waramay dad yow farabadan oo ay dhibaato ka soo gaadhay xanuuno ka dillaacay deegaankani .

Ugu danbayntii Dr Maxamed Cabdi ismaaciil Dr Shiine oo ah Maamulaha Cusbitaalka MANHAL ayaa faah faahin ka bixiyay Xanuunka ka cusub deegaanka isla markaana ugu baaqay Ummada Soomaaliyeed in loo soo gurmado shacabka deegaanka God’aalo.

Deegaanka God’aalo oo ka tirsan gobolka Sool , isla markaana la aasa aasay sanadkii 1964 ayaa ah deegaanada hodon ku ah dhan xoolaha iyo Beeraha , Waxaa deegaankani uu ka mid ahaa deegaanada ka bad baaday dhibatooyinkii ka soo gaadhay dagaalladii lagu hoobtay ee ka dhacay guud ahaan gayiga Soomaaliya .

Hoos Daawo Barnaamij Laga Diyaariyey Gurmad loo Fidiyey Deegaanka GOD’AAALO ee Gobolka Sool‏

En Mawliid Isma Haradigeed
Laascaanood,Somalia

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online