Culimada magaalada Gaalkacyo Oo nabad ku baaqay.[Dhagayso]

November 26, 2015 - Written by Editor

BaaqaGaalkacyo:-Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa wali ka taagan xiisadda colaadeed ee u dhexeysa maamulada Gal-Mudug iyo Puntland ee ka dhalatay muranka dhismaha waddo dhex marta magaalada. Dadka magaalada ayaa wali barakacaya si ay uga baxsadaan colaadda taagana ayaga oo taas ka duulaya, ayaa culimada magaalada Gaalkacyo oo ka kooban labada dhinac ee dagalamay waxa ay maanta shir ay ku yeesheen gudaha magaalada.

Culimada oo ka koobnaa guddi 14 qof, ayaa waxa ay soo saareen baaq ay labada dhinac ugu baaqayaan in si deg deg ah loo joojiyo colaadda si dadku ay guryahooda ugu soo noqdaan. Waxa ay ka codsadeen Gal-Mudug iyo Puntland in sidoo kale ay joojiyeen ciidamada ay ku soo daabulayaan magaalada.

Sheekh Muxiyadiin Sheekh Yuusuf oo ka mid ahaa culumadii kulankaasi ka qayb gashay ayaa Caasho Ibrahim uga warramay qodobada ugu muhiimsanaa baaqa culimada.

Hoos ka dhagayso baaq ay culimada Gaalkacyo ay ka soo saareen colaada Gaalkacyo


Source:VOA

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online