Madaxweynaha Dawladda Jubba-land oo lagu soo dhaweeyey magaalada Garoowe.[Masawiro/Dhagayso]

November 29, 2015 - Written by Editor

IMG_8903Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntlad Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne ku-xigeenka Eng. C/xakiim C/laahi Cumar Camey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Axmed Cali Xaashi ayaa maanta 29-Nov-2015 kusoo dhoweeyey Garoonka diyaaraha ee Garoowe Madaxweynaha Dawladda Jubba-Land Axmed Maxamed Islaan wefti ballaaran oo uu hoggaaminayo.

Weftiga oo ay kamid ahaayeen Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Jubba-Land Generaal C/laahi Sh.Ismaaciil Fartaag, Wasiiro, iyo Xildhibaano ayaa Waxaa iyaguna soo dhoweyn tooda ka-qayb qaatay Wasiiro kamid ah Golaha Xukuumadda Puntland, Xidhibaano iyo Masuuliyiin kale.

Soo dhoweynta weftiga kadib ayaa waxaa loosoo gelbiyey Qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland waxaana halkaasi shir jaraa’id si’ wada jir ah ugu qabtay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Dawladda Jubba-Land Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe.

Hoos ka Dhagayso Madaxweynaha Dawladda Jubba-Land Axmed Maxamed Islaan oo la hadlay saxaafadda ana waramay u jeedka safarkiisa uu u tegay Garoowe

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Madaxweynaha-Dawllada-Jubbaland.mp3]
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa haddalo soo dhoweyn ah kaddib sheegay weftigu in uu u yimi xal u helidda dagaalkii kadhacay magaalada Gaalkacyo 22-Nov, iyo 28-Nov 2015 uuna ku ammaanayo wanaagga ay wadaan iyo soomaalinimada isagoona ku tilmaamay in ay yihiin odayaal soomaaliyeed oo taladooda iyo tusmadoodaba loo baahan yahay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay inay diyaar u yihiin wax kasta oo maslax soomaalinimo lagu raadinayo Puntlandna ay weligeedba dhaqan iyo siyaasad u ahayd inay Nabad gelyada, wada jirka iyo midnimada soomaaliya horu keceeda ay ka shaqayso oo aanay dhaqan iyo caado toona u lahayn in ay horseedo dhiig soomaaliyeed oo daata.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Beesha Caalamka iyo Ummadda Soomaaliyeedba u sheegay in dagaalkani aanu ahayn dagaal u dhexeeya Dawladda Puntland iyo Maamulka Cadaado balse uu yahay mid meelo kale laga soo abaabuley eedda ugu horraysana ay leedahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

“Dawladda Federaalku iyadaa Sharci darro ku abuurtay Galmudug, iyada sharci darro ku hubaysay Gudug iyadaa haddana sharci darro ku taageereysa gardarada iyo dhibka mandiqadda, ma aha wax la qarinayo In ay si’cad uga qabgaleen dagaalkaasi ciidamadii dawladda Federaalku” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Dhex-dhexaad kama aha Dawladda Federaalku wax Gaalkacyo ka socd, masuuliyada dhibkaasna waxaa hadhow qaadanaysa dawladda federaalka iyo cidda kale ee la wadaagta.”

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali ayaa ku celiyey markale Puntland inaanay Cidna wax gor-gortan ah kala geleyn wixii wax udhimaya jiritaankeeda isagoona ku booriyey weftiga inay si dhab ah u taabsiiyaan cidda gardarrada wadda maadaama aan loo sinnayn dhibka kadhacay magaalada gaalkacyo.

no images were found

Geesta kale Madaxweynaha Dawladda Jubba-Land Axmed Maxamed Islaan ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Dawladda Puntland, Golayaashiisa iyo shacabweynaha Puntland soo dhoweynta ay u sameeyeen, isagoona sheegay safarkoodu inuu ku qotomo siddii xalwaara looga gaari lahaa shaqooqooyinkii kadhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Hoos ka Dhagayso Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isagana la hadlay warbaahinta

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Codka-Madaxweynaha-Dawladda-Puntland.mp3]

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online