Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xafiiska ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya.[Masawiro]

November 25, 2015 - Written by Editor

IMG_8389Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 25-Nov-2015 Xafiiskiisa Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya George Conway. Waxyaabihii kulankaasi looga wada hadlay ayaa waxa akami mid ahaa dar-dar gelinta Mashaariicda ay hay’adda UNDP ka fuliso Puntland , Caawimaadda ay UNDP siiso Wasaaradda Caddaaladda iyo horumarinta Jeelasha Puntland.

Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya George Conway ayaa Sheegay inay sii xoojiyanayaa Taageerada ay siiso tayyayna Jeelasha Puntland , iyo kor uqaadida waxbarashada gaara ahaan kulliyadda Sharciga oo ay UNDP ka caawiso Jaamacadda PSU.

Sidoo kale Madaxa Hay’adda UNDP ayaa sheegay inay bilaabeen inay bixiyaan tababarro laxiriira Dhallinyarada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadohooda shaqo si looga hortago Tahriibka iyo Dembiyada kale isla mar ahaantaana lagu dhiiri geliyo Dhallinyarada sidii ay u samayn lahaayeen wax soo saar.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa kula dardaarmay Hay’adda UNDP inay sii xoojiyaana shaqooyinka baaxadda leh ee ay kawado Puntland gaar ahaan taageera ay UNDP siisiyo Jeelasha, Caddaaladda iyo Kor uqaadida Sharciga, si looga badbaado falalka liddiga ku ah nolosha iyo horumarka.

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online