Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Care ee Soomaaliya

November 25, 2015 - Written by Editor

IMG_8367Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ayaa maanta 25-Nov-2015 Xafiiskiisa Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Madaxa Hay’adda Care International ee Soomaaliya  Raheel Nasir Chaudhary. Kulankaas oo looga wada hadlayey  dar-dar gelinta Mashaariicda ay hay’adda Care kafuliso Puntland  iyo sii xoojinta Xidhiidhka kadhexeeya Puntland iyo Hay’adda Care,  korna loogu qaadi lahaa mashaariicda ay hay’addu kafuliso Puntland.

Madaxa Hay’adda Care ee Soomaaliya Mudane Raheel Nasir ayaa dhankiisa ka warbixiyey hawlaha iyo shaqooyinka ay hay’addu kaqabato Puntland sida Tayyaynta Waxbarashada Aasaasiga ah oo ay kamidka tahay farsamada gacanta oo uu sheegay inay muhiimad gaar ah uleedahay wax soosaarka iyo Horumarka Puntland.

Sidookale Raheel Nasir ayaa sheegay inay Wasaaradda Deegaanka kala shaqeeyaan Ciidamada ilaalinta Deegnaanka, la-dagaallanka xaalufinta Deegaanka, iyo Buuxinta Boholaha, Qaabaynta Harooyinka, iyo Ilaalinta Dhirta iyo Duurjoogta.

Masuulkan  ayaa tibaaxay inay hay’addoodu bixiso Tababarro DIbadda ah,kuwaas  oo laxidhiidha ilaalinta deegaanka si loo tayyeeyo korna loogu qaado ilaalinta  Nabaad guurka, Xaalufinta Deegaank, dayactirka Boholaha iyo  ilaalinta Dabar goynta Duurjoogta.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hay’adda Care ku booorriyey dar-dargelinta iyo kor uqaadidda Adeegyada Bulshada iyo ilaalinta Deegaanka iyo Duurjoogta islamarkaasi tilmaamay sida ay lagama maarmaanka u tahay in  hay’adda Care dhug u yeelato Deegaanka iyo Aafooyinka Dabiiciga ah ee marar bada saamayn kuyeesha Nolosha Aadanaha, duurjoogta iyo guud ahaanba Deenkaanka Puntland.

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online