Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo gaaray magaalada Garoowe

November 29, 2015 - Written by Editor

gaas-iyo-axmed-amdoobeWafdii u hoggaaminayo madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Wafdiga madaxweynaha Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya Madaxweyne Ku xigeenka Jubaland General Fartaag, wasiirka arrimaha gudaha General Darwiish, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Jubaland iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxaa ujeedada socdaalkiisa lagu sheegay in uu qeyb ka noqdo dadaallada socda ee la doonayo in lagu joojiyo colaadda ka jirta gobalka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo taas uu u dhexeysa dadka walaalaha ee magaaladaasi ku nool magaalada Gaalkacyo.

Wafdii u hoggaaminayo madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kulamo la qaatay madaxda Puntland waxaan la filayaa in uu u sii gudbo magaalada Gaalkacy ee xarunta gobalka Mudug.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online