Sh. C/naasir Xaaji oo gaaray Garoowe kuna biiray culimad Nabadaynta ku howlan.[Masawiro]

November 30, 2015 - Written by Editor

shnaasirGaroowe:-Sh. C/naasir X. Axmed iyo Sh. Fu’aad Aflow ayaa saaka soo gaaray magaalada Garowe si ay uga mid noqdaan wafdiga culimada ee daminta colaadii foosha xumayd ee ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Magaalada Garoowe ayaa waxaa horay ugu sugnaa wafdi culimo ah oo uu ka mid yahay Sh. Dr. Axmed Imaam oo ka yimid magaalada Muqdisho halka la filayo in wafdi culimo ah oo uu hogaaminayo guddoomiyaha Hay’ada Culimada Soomaaliyeed Sh.Dr. Bashiir Axmed Salaad ay soo gaaraan Puntland.

Kulankii culumada ee wadatashiga iyo dardaaranka ayaa waxaa uu ka dhacay saaka Hotel Rayaan Park ee magaalada Garowe, waxaan kalimado dardaaran ah oo qiime badan culimada u jeediyey Sh. Faysal Cali Faarax iyo Dr. C/qani Badar oo ka ymid magaalada Hargeysa .labada  Sheekh waxay kale oo ay jeediyeen waxaa ay dardaaran ku socda shacabka iyo maamulada deegaanka.

Dhinac kale waxaa socda dadaalo nabadeed oo ay wadaan wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaami nayo R/wasaare Sharmaake , Madaxweynayaasha K/galbeed Shariif Xasan iyo Madaxweynaha Jubba land Axmed Maxamed Islaan.

Waxaa rajo weyn lugu qabaa in xal waara laga gaaro colaada Gaalkacyo oo soo noqnoqotay. Culimadu waxay ku hanweynyihiin in shirarka Gaalkacyo saldhig u noqon doonaan walaal nimo iyo midnimo buuxda oo Soomaali oo dhan isku keenta.

no images were found

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online