Waa Kuma Maxamuud Go’l Agaasi [أبو القعقاع السوري] ? Taliyaha 2-da Aag [Masawiro/ Video]

November 27, 2015 - Written by Editor

imagesDoha:-Waa Barmaamij uu Tv-Ajazeera.net ka diyaariyey Maxamuud Go’l Agaasi oo lagu naanaysi jiray أبو القعقاع السوري waxaa uu dhashay 10/06/1973 waxaan uu ku dhashay deegaanka lagu magacaabo Qowz oo ka tirsan Xalab ee dalka Suuriya.
Maxamuud Go’l Agaasi أبو القعقاع السوري waxaaa uu bartay shareecada waxaan uu ka gaaray darajada Digtooraah, waxaa uu aasaasay urur diini ah oo lagu magacaabo ”Gurabaa Shaam” waxaan wadaadkaan saldhig u ahaa Masjidka lagu magacaabo مسجد العلاء بحي oo ku yaalay Xalab waxaan uu ka jeedin jiray Khudbooyin lid ku ah dowladda Syria mana uu la kulmi jirin wax culus ah waxaan uu mararkii danbe samayn jiray isku soo baxyo waaweyn oo lagu taageerayo shacabka Falastiin sanadkii 2001.

Maxamuud Go’l Agaasi أبو القعقاع السوري waxaa uu kasbaday shacbiyad badan waxaan aad ugu soo xirmay dhalinyaro u badan da’yar oo jecel badan u qaba diinta iyo u gargaarkeeda ilaa markii danbe uu bilaabay in dhalinyarada la siiyo tababar ay ku qaadan jireen في مسجد العلاء الحضرمي بحلب sidda ay soo wariyeen raggii ka mid noqday ururkii diiniga ahaa ee uu aasaasay ee la oran jiray ”Gurabaa Shaam.”

Hoos ka Daawo Bandhigyada ay kooxda Maxamuud Go’l Agaasi أبو القعقاع السوري ay soo bandhigayeen

Hoos ka Daawo Bandhigyada ay kooxda Maxamuud Go’l Agaasi أبو القعقاع السوري Mehrajaan magaalada Dana’a

Maxamuud Go’l Agaasi أبو القعقاع السوري ayaa markii 11 septembar la weeraray sarihii Maraykanka waxaa uu go’aansaday in uu aado dalka Afgaanistaan balse uma suura gelin waxaase 2002 uu fursad u hellay in uu aado dalka Ciraaq intii aan Ciraaq la weerarin ka dibna waxaa uu ku soo laabtay dalka Syria oo uu ka si watay Khubooyinkiisii uu caanka u ahaa ee Jihaadiga ahaa.

Hoos ka Daawo Maxamuud Go’l Agaasi أبو القعقاع السوري لقاءات اعلامية – قناة العربية – برنامج بانوراما – ابو القعقاع

Maxamuud Go’l Agaasi أبو القعقاع السوري ayaa waxaa uu bilaabay in uu taageero u fidiyo koox ka mid ah kooxihii ka dagaalamay Ciraaq markii ay ciidanka Maraykanka ay qabsadeen dalka Ciraaq.

Hoos ka Daawo isagoo ku baaqay in dalka Ciraaq loo gargaaro انفروا قبل فوات الأوان
الدكتور محمود قول آغاسي أبو القعقاع

Maxamuud Go’l Agaasi أبو القعقاع السوري ayaa waxaa uu ku xirnaa Ciidanka Sirdoona ee dalka Syria waxaana uu samayn jiray in cid walba oo ku soo biirtay kooxdiisa uu magacyadooda uu u gudbin jiray Sirdoonka Syria gaar ahaan لواء حسن خليل، oo ka tirsanaa sirdoonka ciidanka Syria.

Sanadkii 2004 ayaa koox aan la aqoonsan oo saldhig leh Ciraaq waxaa ka soo baxday Fatwo lagu sheegayo in Maxamuud Go’l Agaasi أبو القعقاع السوري uu yahay Jaajuus la shaqaysan jiray ciidanka Syria waxaan lagu xukumay dil ka dibna waxaa uu Maxamuud Go’l Agaasi أبو القعقاع السوري u soo baxsaday caasimada dalka Syria ee Dimishiq.

Intaas wixii ka danbaysay waxaa uu bilaabay Maxamuud Go’l Agaasi أبو القعقاع السوري in uu iska xiiro garka ayna ka muuqan wax suno ah isagoo dadka u sheegay in aysan ugu yeerin Sheekh ee ay ugu yeeraan Dr.Maxamuud Go’l Agaasi.

Hoos ka Daawo Maxamuud Go’l Agaasi أبو القعقاع السوري [ ابو القعقاع ولقاء صحفي مع الصحيفة البريطانية الحرة]

Maxamuud Go’l Agaasi أبو القعقاع السوري waxaa uu bilaabay in uu ka soo muuqdo Iclaanka dalka Syria isagoo iska fogaynaya in uu wax xiriir ah la leeyahay kooxaha lagu sheego aragixisada.

Hoos ka Daawo لقاءات إعلامية – برنامج نقطة نظام – قناة العربية – ابو القعقاع

Maxamuud Go’l Agaasi أبو القعقاع السوري ayaa markii uu ku yimid magaalada Dimishiq waxaa uu la kulmay إبراهيم عواد إبراهيم السامرائي البدري، المعروف حاليا بأبو بكر البغدادي. oo ah hogaamiya Daaich ama ISS ka dibna waxaa uu bilaabay Maxamuud Go’l inuu ku baaqo in bulshada la isku keeno isagoo ka soo dhex muuqday dhowr mar kooxo fanaaniin ah.

no images were found

Maxamuud Go’l Agaasi أبو القعقاع السوري ayaa waxaa markii danbe uu aaday dalka Lubnaa waxaa 28 September 2007 la dilay iyadoo dilkaas loo aanaynayo Sirdoonka Syria oo aan u bogin hab dhaqanka أبو القعقاع السوري.

Hoos ka Daawo لقاءات اعلامية – قناة العربية – برنامج بانوراما – عن مقتل ابي القعقاع


Dhinac kale markii ay bilaabtay kacdoonkii shacabka Syria ay uga soo horjeeday madaxda dowladda Syria ayaa waxaa ay Mukhaabaraadka Syria ay xabsiyadda ka soo daayeen ilaa 300 oo ka mid ahaa xubnihii ururkii uu aasaasay أبو القعقاع السوري iyagoo ogaa in xubnahaan ay ku biiri doonaa kooxaha Jihaadiyiinta ah ee Syria ka dagaalamay taasna ay markaas ay u sahlayso sirdoonka Syria in ay dhex galaan kooxaha dagaalamaya ayna helaan xogtooda.

Hoos ka Daawo Barmaamijka ay Aljazeera.net ka diyaarisay أبو القعقاع.. داعية المخابرات السورية

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online