Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo Ergayga cusub u soo magacaabay Soomaaliya

November 24, 2015 - Written by Editor

525661Keating_SomaliaMuqdisho:-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa waxaa uu ergay cusub u soo magacaabay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM, ergaygaan cusub ayaa waxaa uu bedeli doonaa ergaygii hore xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM Nicholas Kay.

Ergayga cusub ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa waxaa loo magacaabay Michael Keating oo u dhashay dalka Ingiriiska wuxuuna qabanayaa xilka wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo madaxa xafiiska UNSOM.

Wakiilkii hore xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM Nicholas Kay ayaa waxaa xilka uu ku magacaabnaa uu ka dhamaanayaa sanadkaaan 2015.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa u mahad celiyay Wakiilkii hore xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM Nicholas Kay isagoo ku amaanay dadaalkii in uu ku bixiyey shaqadii uu ka hayey Soomaaliya 2-dii sano ee uu xilka uu ku magacaabnaa.

Ergayga cusub ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa ah shaqsi ka soo shaqeeyey dalal dhowr ah  oo Afrikaan ah oo ay dagaalo iyo colaado ay ragaadiyeen waxaa kale oo ka soo shaqeeyey dalka Afghanistaan.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online