Awooweyaasha dulman (Daarood iyo Hawiye) W/Q Sh Axmed Cabdi Samed

December 10, 2015 - Written by Editor

Sh Axmed Cabdi SamedHawiye iyo Daarood baa soo duulay, Daarood iyo Hawiye ayaa laayey, Hawiye iyo Daarood baa xoolihii dhacay, Daarood iyo Hawiye ayaa qixiyey!!!

Labadaan oday oo ay ku abtirsadaan qeyb weyn oo ka mid ah shacabka soomaaliyeed waxay mudnaayeen in loo duceeyo oo samo mooyee aan xumo marna laga sheegin, waana dulmi in loo tiiriyo dambi ama qalad aysan galin, sababna u ahayn ee ay galeen dadka iyaga ku abtirsada. Dabcan awoowayaasha kalena waa la mid.

 Waxaa kale oo ay mudnaayeen in la muujiyo, lana qadariyo xiriirka islaamnimo iyo dhalasho ee u dhexeeyey ee dulmi bay ku tahay in iyagoo qabuuraha ku jira la dhexdhigo colaad foojari ah oo aan sal iyo raad midna lahayn. (Mar kale ayaan wax ka qori doonaa Sheeko-xariirta laga sameeyey labadaas oday iyo cidda ka dambeysay, in shaa’ Allaah).

Waxaa ay mudnaayeen in durriyadooda loo walaaleeyo siday iyagu walaalo u ahaayeen ee dulmi bay ku tahay in colaada foojariga ah ee laga sameeyey labada awoowe loo adeegsado isku dirka iyo kala fogaynta ubadkooda.

Waxay mudnaayeen in ubadkoodu noqdaan ubad khayr oo ummadda muslimka ah waxtar mooyee aan wax u dhimin ee dulmi bay ku tahay in ummaddu ubadkooda ka ladi waydo ama ay ku dhex baaba’do, kuna burburto loolanka foojariga ku dhisan ee durriyadooda la dhexdhigay.

 Dulmiyada kale ee awooweyaashaas loo geystay waxaa ka mid ah in ay midkood la caayo ka dibna looga jawaabo in kan kale la caayo, waana tii nabigeenu scw yiri: “Dambiyada waaweyn waxaa ka mid ah inuu ninku lacnado labadiisa waalid. Waxaa lugu yiri: Rasuul Allow side ninku labadiisa waalid u lacnadayaa?,  wuxuuna ku jawaabay: nin aabbihi ayuu caayayaa, kolkaas buu isna aabbihi caayayaa, hooyadi ayuu caayin, isna hooyadi ayuu caayin”. Taa macneheedu waxaa weeye inuu aabbihi sabab ugu noqday in la caayo, wuxuuna la mid noqday nin isagu toos aabbihi u caayey.

 Waalid-caasinimadu (cuquuq) waxay ka mid tahay dambiyada waaweyn ee kabaa’irta ah oo waliba Ilaahay ciqaabtooda adduunka ku soo dadajiyo. Waana la hubaa in ay waalid-caasinimo weyn tahay in awoowayaashaas lugu nabo dambiyo ay bari ka yihiin, ka dibna laga sii dhaliyo xumaan iyi dambi kale oo saameeya dadkiilabadooda ka farcamay iyo ummadda oo dhan.

Sidee labada oday u maamuusnaa?

Waa waalid oo waxay ubadkooda ka mudanyihiin baarrinimo iyo maamuus meeqaanka waalidnimo u qalma laakiin waxaa isweydiin leh: sidee iyo wexee ayaa lugu maamuusaa?. Bal aynu wax uun ka taabanao:

1.  Ugu horrayn waalidiinta ammaangali oo adigu ha dhibin , in cid kale dhibtana sabab ha u noqon, durriyadoodana ha dhibin, cid dhibaysana haku caawin .

2.  Adigu noqo qof wanaagsan oo saalix ah, kana shaqee in durriyadoodu saalixiin wada noqdaan; waayo waalidku geerida ka dib wuxuu ugu baahi badan yahay ilmo wanaagsan oo u soo duceeya.

3.  Ilaali sharaftooda iyo sharafta durriyadooda oo sabab ha ugu noqon magac-xumo iyo sharaf-daro.

4.  Shacabka Soomaaliyeed ee garabka u ah durriyadooda soo dhaweyso oo walalaayso, kana ilaali dulmiga iyo xadgudubka…..waa soctaa

W/Q Sh Axmed Cabdi Samed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online