Booliska Jabuuti oo xiray Wasiirkii hore ee Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Jabuuti(Dhageyso)

December 31, 2015 - Written by Editor

XaamudJabuuti:-Dowladda Djibouti ayaa shalay xabsiga dhigtay wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Xaamud Cabdi Suldaan oo dhawaan ku dhaawacmay rabshadihii ka dhacay Dhjibouti.

Afhayeenka dallada Mucaaradka ah ee USN Daahir Axmed Faarax, ayaa VOA u sheegay in Xaamud ay ciidamadu ka kaxeysteen iridka hore ee Isbitaalka shalay markii uu ka soo baxay.

Waxa uu sheegay inay ka walaacsan yhn xaaladdiisa caafimaad madaama weli aanu bogsoon oo uu baahan yahay dhaqtar in uu arko maalin walba.

Dowladda ayaa sheegtay inay xabsiga dhigtay 32 qof oo uu ku jiro wasiirkii hore ee Arrimaha Diinta iyo Aqaafta.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Djibouti Maki Cumar Cabdulqaadir ayaa sheegay in dadkan la xidhay lagu so ooggey dacwado la xidhiidha rabshaddihii maalinti isniinti 21-kii December 2015 ka dhacay duleedka magaalada Djibouti gaar ahaan degmada Balbala kuwaas oo dadna ay ku naf waayeen qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

Xeer ilaaliyaha waxaa wareystay Weriyaheena Djibouti Ramadan Muuse


Jamaal Axmed Cismaan ayaa isna wareystay Daahir Axmed Faarax.

VOASomalia

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online