Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Gaalkacyo ku qaabilay Wafdi ka tirsan Beesha Caalamka

December 1, 2015 - Written by Editor

IMG_39261Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Qasriga uu ka degganyahay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ku qaabilay Wufuud caalami ah oo ka kala socdey Urur Goboleedka IGAD Danjire Maxamed Cabdi Afey, Midowga Yurub Michele Cervone, Midowga Afrika iyo Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOA.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Raysul-wasaaraha Dawladda Federaalka, Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland, Wasiiro iyo xildhibaano kaka tirsan Dawladda Puntland iyo Maamulka Jubba-land.

Wufuudan ayaa Puntland u yimi sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dedaalada Nabadeed ee laga wado Magaalada Gaalkacyo
ee xalka loogu raadinayo Shaqaaqadii kadhalatay dagaalkii u dhexeeyey Ciidamada Dawladda Puntland iyo Maleeshiyaadka Cadaado.

Wufuudan ayaa Dawladda Puntland ku ammaanay siday uga shaqayso nabad gelyadeeda isla mar ahaantaana ay u ugu taagan tahay marwalba xal u helidda shaqaaqadii ka dhacday Gaalkacyo iyo sidii nabad iyo xasilooni waarta loogu soo dabbaali lahaa Gobolka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wufuuda u sheegay in ay weli diyaar u yihiin ka shaqaynta iyo adkaynta nabad geliyada iyo sii wadida dedaalada nabadda loogu raadinayo Shaqaaqooyinkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay marnaba inaanay aqbali doonin daan-daansiga iyo gardarooyinka ay wadaan maleeshiyaadka Maamulka Cadaado, isla mar ahaantaana aanay wax gor-gortana ah ka geleyn xuduudaha iyo Masiirka Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaa wuxuu sii raaciyey in furaha nabaddu uu yahay runta oo lagu dhiirado lagama maarmaana ay tahay in beesha Caalamku si cad farta ugu fiiqdo cidda ka dambaysa khasaarihii kadhashay shaqaaqooyinkii kadhacay magaalada Gaalkacyo.

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka
ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online