Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo la kulmay wasiirka arrimaha dibada ee dalka Itoobiya

December 30, 2015 - Written by Editor

tedros-and-axmedAddis:-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan oo safar ku gaaray dalka Itoobiya ayaa waxaa uu xarunta wasaarada arrimaha dibada Itoobiya kula kulmay wasiirka arrimaha dibada ee Itoobiya Dr.Tedros Adhanom. Safarka wafdiga Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan ay ku gaareen dalka Itoobiya oo aan hore loo shaacin ayaan si rasmi ah loo ogeyn u jeedkiisa balse waxaa la filayaa in labada masuul ay a wada hadli doonaa xaalada dalka Soomaaliya iyo qaabka ugu haboon oo ay u dhici karto doorashada 2016.

Socdaalka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan ayaa ku soo beegmay iyadoo shirka wada tashiga 2016 Madaxda Soomaalida la filayo in uu ka dhici doono 10 Janaayo magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka arimaha dibada Itoobiya Dr.Tedros oo soo dhaweeyey wafdiga Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa uga mahad celyey howsha balaadhan oo ay ka qab teen magaalada Kismaayo gaar ahaan dhinac amniga iyo horumarka isagoona ku amaanay fulinta heshiiskii ay wada galeen madaxda Jubbaland iyo dowladda Federaaka Soomaaliya oo ay garwadeenka ka ahaayeen dowladda Itoobiya.

Wafdiga Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay dib ugu soo aabtaan magaaadaismaayo iyagoo inta ay joogaan dalka Itoobiya kulamo gaar gaar ah la yeelan xubno ka tirsan beesha caalamka ee ku sugan Itoobiya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online