Muxaadaradii uu Sh C/naasir Xaji Axmed ka jeediyey Nadwadii ka socota Masjidka Al-hudaa Garoowe.[ أرض المحشر واحوال الناس فيها ] [Dhagayso]

December 24, 2015 - Written by Editor

thumbs_img-20151223-wa0028Garoowe:- Waxaa habeenkii 5-aad kasocota Masjidka Al-huda Magaalada Garoowe Nadwadii 8-aad oo sanadkaan halkudhigeedu yahay (من دار الغرور الى دار القرار) waxaana ka soo qayb galay culimo caan ka ah guud ahaan dhulka Soomaalidu degto waxayna culimadu guud ahaan bulshada sawir cad ka siiyeen nolasha aduunka ee dhalanteedkaa ah iyo Nolasha Aakhiro ee lagu waarayo dhamaan Muxaadaraadkaan oo aad looga hadal hayo guud ahaan deegaana Puntland gaar ahaan Garowe.

Darsiga xalay ayaa waxaa jeediyey Sh C/naasir Xaji Axmed (Abu Maxamed) waxaana uu ka hadlaya أرض المحشر واحوال الناس فيها , waxaan darsiga si live ah looga dhagaysanayey Radio Halgan Live iyo Idaacada Islaamiga ee Al-Xikma ee ka howlgasha deegaanada Puntland.

Muxaadarada Sh Cabdinaasir Xaaji axmed ayaa laga dheehan karay diyaarin heer sare ah dhan walba marka laka eego darsiga Sheekha ka sokoow Muxaadaradaan oo caalamka oo dhan laga dhagaysanayay waxaa lagala socday Idaacadda Qur’aanka Kariimkaa Al-Xikma oo Iyadu gaarsiisay In ka badan 4 gobol oo ka mid ah Gobollada Puntland Iyo Goboladda Dhexe ee dalka waxaana markuu soo gaba gaboobay darsigii Sheekha La guda galay Qaybtii Su’aalaha.

Waxaana caawa ka jawaabay su’aalo aad muhiim ugu ah bulshadii soo qortay iyo kuwii dhagaystayba Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf iyo Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed labada sheekh ayaa waxay ka jawaabeen in kabadan 15 Su’aalood waxaana Masjidka soo buux dhaafshay boqolaal dadweyne ah kuwaas oo aad uga faa iidaystay Muxaadaradii Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed iyo Jawaabihii Culimadda.

no images were found

Hoos ka Dhagayso muxaadaradii Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed uu ka jeediyey Nadwada diinga ee ka socota Masjidka Al-hdaa e Garoowe أرض المحشر واحوال الناس فيه

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/5%20Sh%20Cabdi%20nasir%20Xaji%20Maxsharka.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Hoos ka Dhagayso su’aalaha ay dadweynuhu soo jeediyeen oo ay culimadu ka jawaabayeen gaar ahaa Sh Cabdinaasir iyo Sh Maxamuud Xaaji

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/5%20Su’aalo.mp3]

Halkaan ka Dhagayso MP3

Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska Warbaahinta
Mu’asasada Al-Minhaaj
Garoowe,Somalia

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online