Zaylacai Academy oo ay Dufcadii ugu horaysay Ka Qalin Jabisay (Masawiro)

December 29, 2015 - Written by Editor

SAMSUNG CAMERA PICTURESWaxaa Markii ay  taariikhdu ahayd 27.12.2015 ka dhacday magaaladda Copenhagen ee xarunta dalka Danmark Xaflad lagu maamuusayey ardaydii dhamaysay Iskoolka Zaylaci Academy.
Zaylaci academy waa academy loogu talagalay inay dhalinyarada qurbaha joogaa ku bartaan cilmiga sharciga ee diinta. Waxay leedahay duruus ka baxdo internetka nooc online ah, iyo duruus iyo iskool toos u baxa wakhtiyada fasaxyada layahay sanad iskoolaadka wadamada yurub.
Waxaa shalay ka Qalan Jabisay Zaylaci Academy iskoolka labada sano dufcadii ugu horaysay. Ardaydu laga bilaabo 23.12.2015 ilaa 27.12.2015 waxay u fadhiyeen imtaxaamo lagaga qaadayey maadooyinkii ay soo baranayeen ilaa 2013kii.
Ardaydu waxay imtaxaanka ku gashay maadooyin badan oo u kala qaybsama 8 fanni. Funuuntaas oo kala ah, Caqiidah, Xadiith, Fiqh, Qawaacid al fiqh, Usuul al fiqh, Naxwe, sarfi iyo Baxthi gooni ah oo arday kastaa lagu imtaxaamayey. (Maadooyinka ay Buxuuthta ka qoreen hoos ka fiiri).
Waxaa intay imtaxaamada iskoolka labada sano socdeen garab socday Dawro lagu daraasaynayey culuum kala duwan oo ay soo jeedinayeen Culimo kala duwan Sida Dr. Cali Saalax, Sheekh Casoowe iyo Dr. Cabdiwali. Waxaana ka soo qaybgalay dawrada Arday fara badan oo isugu jira gabdho iyo wiilalba.

Allah mahadii ardaydoo dhan imtaxaamadoodii way ku baaseen, waxaana xaflad loogu qabtay Masjidka wayn ee Muslimiintu ku leedahay Copenhagen ee la dhaho Hamad Bin Khalifa Civilisation Center.

Xafladda waxaa ka soo qaybgalay dad fara badan oo isugu jira dumar, rag, dhalinyaro iyo waawaynba. Sidoo kale waxaa Xafladda ka soo qaybgalay culimo ka mid ah macalimiinta Zaylaci academy, sida Sheekh Cabdiraxmaan Abyad, iyo Sheekh Dr. Cabdiwali oo ka yimid Finland.

Culimadu kalmado goobaabin iyo waano isugu jirta bay goobta ka soo jeediyeen, waxaana hadaladooda ka mid ahaa inay dhalinyarada soomaaliyeed ku dhiirigaliyeen inay waxbarashada diintooda ku dadaalaan.

Wuxuu Sheekh Cabdiraxmaan goobta ka sheegay asagoo si wanaagsan u sharaxay inay suurtagal tahay inay dhalinyaradu diintooda baran karto ayagoo cilmiga maadiga ahna ku wata, ama reero leh, shaqeeyana. Wuxuu sheekhu ku daray hadalkiisa inay ardayda dhamaysay iskoolka labada sano ay ku jireen gabdho aad u dadaalayey. Waliba waxay ahaayeen qaarkooda gabdho reero leh, waxbarasho maadi ahna oo waliba gaadhsiisan heer Phd wata. Gabdhaha qaarkooa waxay duruusta ka soo qaybgali jireen ayagoo wata ilmo yaryar, safar dheerna u soo gali jireen jacayl ay u qabaan cilmiga diinta. Waxayaalahaas oo dhan sheekhu wuxuu u sheegay si loo fahmo inay suurtagal tahay in Allah diintiisa la barto si kastoo mashquulku u badanyahay.

Sidoo kale Sheekh Cabdiraxmaan Abyad wuxuu u mahad celiyey dhalinyarada ka soo shaqeeyey Zaylaci academy, wuxuuna u dardaarmay inay dadaalka sii wadaan.

Sheekh Cabdiwali oo asaguna kalmad ka soo jeediyey xafladda wuxuu sheegay inuu aad ugu farxay qaabka Zaylaci academy dusuusteedu u baxdo, iyo dadaalka ay dhalinyaradu muujinayaan. Wuxuu sheekhu ku daray in ay dhalinyaradu tahay Mustaqbalka umadda, markaa loo baahanyahay in ay mas’uuliyadda umadda qaadaan, waxayna ka bilaabayaan inay wax bartaan.

Sheekh Cabdiwali wuxuu la tacajabay oo aad ula yaabay ardayda dadaalkooda labadii sano ee uu wax u soo dhigayey, wuxuuna ugu dardaarmay inay sii wadaan dadaalkooda, asaga oo soo xasuusiyey siday saxaabadii iyo salafkii ugu safri jireen cilmiga iyo juhdigii iyo dadaalkii dheeraadka ahaa ee ay bixin jireen.

Waxaa kaloo goobta Xafladda ka hadlay gudiga Masjidka soomaalidu ku leedahay Copenhagen, Masjid at-tawxiid. Waxay goobta ka sheegeen gudiga masjidku xidhiidhka fiican ee la leeyihiin Zaylaci academy, waxayna si fiican ugu goobaabiyeen dhalinyarada magaalada Copenhagen iyo si guudba in wakhti la galiyo barashada cilmiga diinta, iskuna qoraan Zaylaci academy koorasyada ay bixiso, isna diiwaan galiyaan markuu sanad iskoolaadka cusub bilaabmo.

no images were found


Xafladda waxaa kaloo ka hadlay ardaydii soo dhiganaysay iskoolka labada sano. Waxayna goobta ugu duceeyeen culimadoodii wakhtiga ku isticmaashay inay diinta Allah wax ka fahansiiyaan. Waxay kaloo sheegeen waxyaalo gaar ah oo ay ka faa’iideen culimada intay daraasaadka ku jireen.
Ugu dambayntii xaflada waxaa ardaydii dawrada iyo ardaydii dhamaysay iskoolka labada sano la gudoonsiiyey shahaadooyinkoodii.
Ardayda Dhamaysay Iskoolka labada Sano ee Zaylaci academy magacyadooda
1. Abdiraxiim Ibrahim salaad
2. Axmed Maxamad Xassan
3. Dhalxa Sh Maxamud Sh Xassan
4. Maxamed cabdirisaq
5. Sokor maxamed carte
6. Fartuun Sh cabdiraxman Sh cali
7. Saciido Farax Ciise
8. Farxiya Cabdullahi afcad
9. Sumaya Ali
10. Muna Maxamed Cali
11. Fadhima Cabdiwali Caabi
12. Dunia Axmed Cali
13. Hilal Sh Osman

Sadexda arday ee gashay kaalinta 1aad, 2aad, iyo 3aad imtaxaamadii waxay kala ahaayeen
1. Fartuun Sh. Cabdiraxmaan Sh. Cali
2. Farxiyo Cabdullahi axmed afcad
3. Saciido faarax Ciise

Maamulka Zaylaci academy
Xidhiidh: E-mail: Zaylaci.academy@gmail.com
Facebook: Zaylaci academy
Homepage: Zaylaciacademy.com
Zaylaci academy
Gudoomiye: Sokor Abu xaniifa, tlf. 42561161

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online