3 Walaalo Ah Oo Ku Dhintay Weerarkii Liido.[Dhagayso]

January 22, 2016 - Written by Editor

mmmMuqdisho:-Weerarkii xalay lagu qaaday xeebta Liido, waxaa ku geriyooday 20 qof oo ay ku jiraan afar Shabaab, waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo badan. Weerarka waxaa sheegtay maleeshiyada Al-shabaab. Dadka weerarka ku geeriyooday waxaa ka mid ah saddex qof oo walaalo ah, oo ku sugnaa maqaayadda Liido Sea Food, sida uu sheegay wiil la dhashay saddexdaas qof oo la hadlay VOA.

Cabdifataax Maxamed Kheyre, ayaa VOA u sheegay in laba Gabdhood iyo wiil ay ahaayeen kuwa qoyskooda ka dhintay xalay, kuwaas oo isla maanta la isku dhinac aasay.

Waxa uu tilmaamay inay maqaayadda u tageen si ay waqti fiican ula soo qaataan ubad ay dhaleen walaalihiisa, maaddama uu ka soo xirmay imtixaanaadka Iskuullo iyo Jaamacado ay dhiganayeen. Jamaal Axmed Cismaan, ayaa Khadka telefoonka ku wareystay Cabdifitaax Maxamed Kheyre.

Hoos ka Dhagayso 3 Walaalo Ah oo ku dhintay weerarkii Liido

Source:VOA

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online