Banaanbax lagu diidan yahay 4.5 laguna taageerayo Madaxweyne Gaas oo ka dhacay Garoowe.[Cod/Masawiro]

January 28, 2016 - Written by Editor

Garoowe:-Waxaa saaka ka dhacay magaalada Garoowe ee Caasimada dowladda Puntland banaanbax lagu taageerayo go’aankiii uu ka qaatay madaxweynaha Puntland ee ku aadan shirkii wadatashiga ee lagu soo afmeeray magaalada Muqdisho . Banaanbax ayaa waxaa ka soo qayb galya madaxweyne ku xigeenka Puntand Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay,wasiiro, Xildhibaano madxda maamulka gobalka Nugaal,kan degmada iyo Saraakiil Ciidan.

Dadweynaha banaanabax dhigaye ayaa waxaa ay soo qaateen boorar ay ku qoran tahay haldhigyo ay uga soo horjeedaan nimaad ka 4.5 iyo go’aanki ay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay isla qaateen ee ku aadanaa nidaamka doorashada 2016 ee wafdigii Puntland diideen.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntand Eng.Cabdixakiin C/laahi Camey oo la hadlay dadweynihii banaanbax dhigay ayaa waxaa uu sheegay inaysan marnaba Puntland raali ahaan doonin nidaamka qabiilka ee 4.5 isagoo taageeray mowqifka uu Madaxweyne Gaas ka qaatay shirka madatashiga ee magaalada Muqdisho.

Hoos ka Dhagayso hadalka Madaxweyne Xigeenka Dowlada Puntland uu ka jeediyey banaanbixii ka dhacay garoowe

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Camey%20(1).mp3]

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdilaahi Farawayne oo isagana la hadlay dadweynihii banaanbixii dhigay ayaa waxaa uu uga mahad celiyey sida ay shacabka reer Puntland ay u taageersan yihiin Madaxdooda.


meelaha ay ka dhaceen banaanbaxyada ayaa waxaa ka mid ah magaalada Qardho oo saaka wadooyinkeedu ay ka dhaceen isku soo baxyo lagu taageerayo go’aankii uu ku diiday madax weynaha Puntland Dr Gaas go’aanka ay soo saareen madaxda dowladda Federalka Soomaaliya. Gudoomiyaha degmada Qardho Cabdi siciid Cismaan oo la hadlay dadweynihii banaanbax dhigayey ayaa sheegay in isku soo baxa ka dhacay Qardho iyo magaalooyin kale ay tusaale u tahay rabitaanka shacabkeeda oo ah in ay ka soo horjeedaan nidaamka 4.5 loona baahan yahay in beesha caalamku ay xaqdhowraan rabitaanka shacabka Puntland. 

Dhinac kale waxaa banaanbaxayo kale oo waaweyn oo lagu taageerayo Madaxweynaha Puntland Dr.Gaas go’aanka uu ka qaatay shirkii wadatashiga ee Muqdisho ka dhaceen magaalooyinka kala ah Boosaaso , Badhan, Gaalkacyo iyo deegaano kale.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online