Ciidanka Al-shabaab oo la wareegay gacan ku haynta degmada Badhaadhe iyo Ceel-cadde ee gobolka Gedo

January 26, 2016 - Written by Editor

al-ShabaabBadhaadhe:-Ciidamo ka tirsan Al-shabaab ayaa waxaa ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Badhaadhe iyo Ceel-cadde ka dib markii ay ciidanka AMISOMee dalka Kenya iyo kuwa Jubaland ay ka baxeen saaka. Ciidanka ururka Al-shabaab ayaa markii ay la wareegeen degmada Badhaadhe waxaa ay goob fagaare ah kula hadleen dadweynaha kula hadleen degmada waxaan ay u sheegeen in ay la dagaalamaan cdanka dalka Kenya oo xasuuq ka geystay deegaanka Ceel-cadde iyo goobo kale oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Jubaland oo lagu magacaabo Faarax Heybe Macallin oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa u xaqiijiyey in ay ka baxeen ciidanka AMISOM ee dalka Kenya iyo ciidanka Jubbaland degmada Badhaadhe ayna la wareegeen ciidanka Al-shabaab. Sarkaalkaan ayaa waxaa uu kale oo uu u sheegay idaacadda VOA-da in uu soo gaaray amar ah in ay ka baxaan degmada Badhaadhe ka dibna ay ka baxeen walow uusan cadayn ilaa hadda sababta.

Degmada Badhaadhe ayaa waxaa ay ku taalaa gobbolka Jubbada Hoose waxaan ay magaalada Xeebta ah ee Kismaayo u jirtaa 180 KM waxaan saddexdii sano ee u danbeeyey gacanta ku hayey ciidamo ka trsan Jubbaland oo gacan ka hellay ciidanka AMISOM ee dalka Kenya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online