Culimo’udiinka Gobolka Sool oo ka digay in Bangiyo ribawi ah in laga furo S/land.[Daawo]

January 15, 2016 - Written by Editor

culimoLaascaanood:-Culimada waaweyn ee ku nool gobolka Sool ayaa ku taageeray culimada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Hargeysa in aan S/land laga hirgelin  Bangiyo ku shaqeeyo Ribo waxaan ay madaxda S/land ugu baaqeen in ay Alle ka baqaan lana joojiyo ansixinta qodob ku saabsan Bangiyadda ku shaqeeya Ribadda.

Inta badan magaalooyinka waaweyn ee S/land ayaa waxaa culimada waaweyn maanta khudbadii salaada Jimce waxaa ay uga hadeen bangiyadaan Ribadda ku shaqaynay ee la doonayo in ay ka howl galaan deegaanada S/land waxaa ay culimad u digeen shacabka iyo dowladda S/land.

Dhinac kale culimada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa sidoo kale maanta khubadihii jimcaha ku soo qaatay Bangiyada ribada ku shaqeeya ee la doonayo in ay ka shaqo bilaabaan S/land.

Sh Dr. axmed Jaamac Ismail Mire ayaa maanta khudbadii jimcaha ee masjid jaamaca magaalada laascaanood ee xarunta Gobolka Sool waxaa uu kaga hadlay xukunka ribada iyo dhibaatooyinkeedaba.

Ugu horeyn waxa uu Sh Dr. Axmed Jaamac qeexay ribada iyo qaababkeeda, intaa ka dibna waxa uu soo arooriyey aayadaha iyo axaadiista ka hadlaya ribada iyo cuquubooyin keeda, isagoona bulshada uga digay ku dhaqankeeda isla markaana ku booriyey inay aad uga fiirsadaan ganacsiyada kala duwan ee ay samaynayaan.

Waxa kale oo uu Sheekhu ku dheeraaday xukunka samaynta bangiyada ribada ku shaqaysta, meesha laga keenay iyo waliba dhibaatada balaadhan ee bulshooyinka ku dhaqma ay u soo jiidaan,isagoona baaq u diray dhamaan madaxda soomaalida guud ahaan gaar ahaan maamulka Somaliland,wasiirada iyo baarlamaanka, inay alle uga baqaan go’aanka baarlamaanku ka gaadhi doono furashada bunuug ribeed maalinta sabtida ah.Sh Dr. axmed Jaamac ayaa sidoo kale Cuqaasha,issimada iyo culimo’udin ka ka codsaday inay dowrkooda ka qaataan arinkaas.

Hoos ka Daawo Culimada Gobolka Sool oo Baaq u Diray Baarlamaanka Somaliland

Ahmed Said
Al-karam -Lasanod

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online