Danjire Daahir Geele oo la kulmey wasiirka beeraha ee dalka Sacuudiga (Masawiro)

January 2, 2016 - Written by Editor
DahirGeleShir ay isugu yimaadeen Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudiga Mudane Daahir Maxamud Geele iyo Wasiirka Beeraha ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabia, ayaa lagu qabtey xarunta wasaarada beeraha ee Sacuudiga.
Shirka waxaa ka soo qeyb galey saraakiil labada dhinac ka kala socdey oo ka mid ahaayeen Mudane Salim Macow Xaaji oo ah Lataliyaha koowaad iyo ku xigeenka safiirka, iyo Mudane Abdullahi Ibrahim Adan Sakreteerka sedexaad ee safaarada.
Shirkaa ayaa si weyn loogu falanqeeyey arrimo dhowr ah oo la xiira dhinaca beeraha, xoolaha iyo kaluumeysiga ee labada dal.
Mudane Daahir Geele ayaa wasiirka beeraha Sacuudiga ka codsadey in ganacsatada Soomaalida loo furo suuqyada Sacuudiga loona ogolaado iney dalka Sacauudiya u dhoofiyaan hilibka xoolaha oo lagu diyaariyey dalka Soomaaliya gudahiisa.
Wuxuu sidoo kale dowlada Sacuudiga ka codsadey in Somaaliya laga taageero horumarinta tacabka beeraha gaar ahaan horumarinta muuska Soomaaliya iyo sidii loo sahlin lahaa iib geentooda dalkaasi.
Danjiraha hadalkiisa wuxuu ku darey in Somaaliya ay leedahay bad dhirirkiisa uu yahay 3300 km kana buuxo kaluun aad u fara badan loona baahanyahay in maalgashi lagu sameeyo.

Wasiirka Beeraha Sacuudiga ayaa sheegey iney mudnaan weyni siinaayaan dalka Soomaaliya wuxuuna balan qaadey inuu gacan weyn ka geysan doono sidii wax weyni ka qaban doono arrimaha safiirka Somaaliya ka codsadey.  Wuxuu kaloo sheegey inuu ganacsatada Sacuudiga ku dhiiriglin doono iney maal gashi ku sameystaan dalka Soomaaliya.

Halgan.net
Salim Hagi

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online