Dowradii 2aad ee dhalinyarada ee magaalada Stockholm ee xarunta dalka Sweden (Masawiro)

January 2, 2016 - Written by Editor

dowra.allaXarunta dhaqanka Islaamka ee caasimada dalka sweden, Stockholm ( Islamiska kultur Center i Rinkeby) ayaa waxaa ay wakhtiga fasaxa qaboobaha soo qabanqaabisay barnaamij qiimo badan oo ku wajahan dhalinyarada da`doodu u dhexayso 15-25 jir. Barnaamijka oo loogu magac daray “ kulankii labaad ee barashada cilmiga iyo shuruucda islaamka”.
Waxaa la meel la isugu geeyey ama lagu ururiyey dhalinyaro gaareysa ilaa 68 arday oo ka kooban wiilal iyo gabdhoba.

Wiilashu waxaa ay ahaayeen 29 wiil halka gabdhuhu ahaayeen 39 hablood. Waxaa loo diyaariyey culimo si aad ah loo yaqaan, aqoon dheerna u leh diinta islaamka, kuwaasoo si isdabajoog ah dhalinyarada usiinaayey casharo kala duwan. Si wakhtiga gaaban looga faa`iideysto waxaa ay dhalinyaradu seexanayeen masjidka iyo meelo kale oo loogu talo galay. Casharada waxaa lagu qaadanaayey goob la qalabeeyey oo ay u dhamaayeen dhamaan aaladaha dhinaca tiknoolojiyada ee fududeeya waxbarashada. Culimada nasiibka u yeeshay iney dhalinyarada waxbaraan waxaa ka mid ahaa: Dr Maxamuud C/raxmaan (Hoori), Sh. C/laahi Hasan Faarax, Sh Yuusuf Axmed iyo Sh Mustafe Xaaji Ismail.

Ilaa afar kitaab oo ka ku saabsan aasaaska caqiidada iyo shuruucda islaamka ayaa dhalinyaradu qaateen muddadii gaabneyd ee ay xeraysnaayeen oo ahayd intii u dhexaysey 26 kii -31 december. Ugu damayntii waxaa ardayda laga qaaday imtixaanaad kala duwan oo ay aqoontooda ku muujinaayeen.

Waxaana abaalmarin ( ipads) la gudoonsiiyey ilaa 20 arday oo kaalinta hore ka galay imtixaanadii la qaaday. 16 ka mid ah ardayda abaalmarinta la gudoonsiiyey waxaa ay ahaayeen gabdho. Waxaa kaloo shahaado sharaf iyo qiimeyn la siiyey dhamaan ardayda ka soo qaybgalay qorshe-tacliimeedkaan muddada toddobaadka ah soconaayey.

Barnaamijka noocaan ah ee dhalinyarada looga dhisaayo aasaaska diinta islaamka iyo shuruucdeeda ayaa sii socon doona, haddii allaha awooda lihi raali ka noqdo.

Waxaana masjidka soomaalida ee Rinkeby stockholm ama xarunta dhaqanka islaamka ee Rinkeby ay qorsheyneysaa in mar kasta oo fasax ah la soo ururiyo dhalinyaro badan loona furo tababar-diimeedkaan aan kor ku soo sharaxnay.

Kaalinta shirkadaha soomaalida ee Stockholm

Ummad iney horumar gaarto waxaa saldhig u ah hadba sida loo diyaariyo dhalinyarada bulshadaasi leedahay. Haddii lagu guuleysto hagitaanka iyo toosinta dhalinyarada waxaa hubaal ah in bulshadu gaari karto horumar iyo yoolka ay higsaneyso. Kobcinta, toosinta iyo laylinta dhalinyaradu waa waajibaad u yaal dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida masjidka, iskuulka, ururada isboortiga, dhaqanka, shirkadaha ganacsiga iwm.

Haddaba qaar ka mid ah shirkadaha ay soomaalidu leedahay ee ka howlgala caasimada sweden ee Stockholm ayaa si wanaagsan uga qaybqaatay howshaan kobcinta dhalinta ee dhinaca diinta. Waxay shirkaduhu uga qaybqaateen dhinac dhaqaale iyo dhinaca fududaynta habsami usocodka howlaha tacliinta. Shirkadaha maalkooda siyaabaha kala duwan ugu kaalmeeyey fidinta kheyrka iyo tacliinta dhalinyarada waxaa ay kala yihiin: Garowe taxi AB, Xawaadla Tawakal, Iftin förskola , Stockholm internationell Akademia iyo Ummah förskola.

Tallaabada ay ku dhaqaaqeen shirkadahan ayaa run ahaantii ah mid ku dayasho mudan, maadaama waxa laga shaqeynayaa ay tahay kobcintii dhalinyaradii mustaqbalka hogaanka bulshada noqon lahayd. Hantida ay shirkadahani bixiyeen waa raasumaal iyo keyd maguuraan ah oo ay meel dhigteen. Waxaana ay heli doonaan maalin ilaahay u dooray oo ay aad ugu baahan yihiin. In kheyrka iyo dacwada diinta looga qaybqaato Maal, Muruq iyo Maan ayaa ilaahay amaanay. Shirkadahan ganacsi ayaa waxaa la gudoonsiiyey shahaado sharaf dhiirigelin ah oo muujineysa kaalinta buuxda ee ay ka qaateen qabsoomidii kulan –tacliineedkii dhalinyarada. Cawil Diiriye oo ah Madaxa shirkada Garoowe Taxi ayaa sheegay inuu aad iyo aad ugu faraxsan yahay ka qaybqaadashada iyo taageerida barnaamij- tacliimeedka lagu kobcinaayo aqoonta dhinaca diinta ee dhalinyarada soomaaliyeed. “ Ilaahay subxaanu watacaalaa ayaa nasiiyey waxa aanu haysano, ilaahay ayaa caafimaadka iyo caqliga aan ku shaqeyneyno nasiiyey sidaas darteed waa waajib diini ah inaan ka qaybgalno taageerida dadaalka lagu baraayo dhalinyarada diinta islaamka iyo fahamkeeda saxda ah” ayuu yiri Cawil diiriye mar aan talefoon kula hadlay isagoo jooga magaalada Stockholm,sweden. Shirkadaha kale ee abaalmarinta la siiyey ayaa iyaguna aad ugu qanacsanaa ka qabgalka barnaamijkan kheyriga ah ee lagu qabtay stockholm. Shirkaduhu waxaa ay muujiyeen in kheyrka iyo kobcinta dhalinyarada lagaga qaybqaadan karo siyaabo kala duwan. Waxaana ay tusaale fiican u yihiin shirkadaha kale ee soomaalidu leedahay ee doonaaya iney wanaaga iyo kheyrka ka qaybgalaan si ilaahay ugu barakeeyo hantida uu siiyey.

no images were found

Barnaamijka kobcinta dhalinyarada ee dhinaca diinta waxaa soo qabanqaabiyey xarunta dhaqanka islaamka ee Rinkeby,Stockholm, sweden. Agaasimaha barnaamijka waa Guuleed Maxamed Cali.

Ilaahay ajar iyo xasanaad haka siiyo dhamaan dadkii siyaabaha kala duwan uga qaybgalay qabsoomida barnaamijkaan qiimaha leh.

Qoraalka waa :C/risaq Maxamed Xuseen
Eskilstuna, sweden
habdirisak@hotmail.com

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online