Guddoonka Baarlamaanka DFS oo ka Tacsiyadeeyey Geerrida Marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon

January 26, 2016 - Written by Editor

Muqdisho:-Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, carruurta, bahda saxaafadda iyo guud ahaanba Shacabka Soomaaliyeed oo uu uga tacsiyadeeyey geerrida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon oo la taliye u ahaa Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo saakay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

“INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, aniga oo ku hadlaya magaceyga, magaca Guddoonka Baarlamaanka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qosyka,carruurta, bahda saxaafadda iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed oo aan uga tacsiyadeynayo geerrida naxdinta leh ee ku timid marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon oo la taliye u ahaa Guddoonka Baarlamaanka waxaan Alle uga baryayaa in uu naxariistiisa jano siiyo” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Ugu dambeyn Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa Alle ka baryey in uu samir iyo iimaan naga wada siiyo rug cadaaga saxaafadeed marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon, isagana uu kitaabkiisa midigta ka siiyo.

—-DHAMMAAD—-

 

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online