Gudigii Culimada ahaa oo soo gabagabeeyey Xaqitaankii Dhaawacyadii kala gaarey 2-da Beelood ee Magacley iyo Qoriley.

January 6, 2016 - Written by Editor

IMG_64883dii-5tii Bisha Janaaayo 2016 waxay Guddigii Culimada ahaa soo gabagabeeyeen Xaqida ama simidda Dhaawacyadii soo kala gaarey Beelihii walaalaha ahaa ee hadda ka hor Colaadu ku dhexmadhay aaga u dhexeeya Magacley iyo qoriley , Guddigaas Culimada ah oo lagu magacaabay Gogoshii lagu heshiisiinayey labada beelood taas oo ka dhacday Dhowaan Meesha la yiraahdo Xoorre in tii u dhexaysey 9-14 /11/ 2015 .

Culimadu waxay ku Xaqeen Tuulooyinka Magacley iyo Qoriley dhaawacyada 50 Qof oo ka tirsan Labada Beelood ,waxaana dib loo dhigay Xaqitaanka Afar Qof , dhaawacyadaas isu geyn waxaa laga xaqay Geel gaaraya 861 Halaad , iyadoo Qofka ugu yar laga simay 2Halaad, midka ugu badana laga simay 90.66 Halaad.

Waxay Culimadu sheegeen in Dhaawacyadaas la xaqay  ahaayeen Tiradii ugu badnayd ee Hal meel lagu wada xaqo inta ay taariikhda og yihiin.

Intii Culimadu joogeen Dhulkaas hadda ka hor Colaadu ka dhacday waxaa farxad geliyey inay arkeen Nabaddii oo si dhamaystiran loo wada qaatay , Labadii dhinac oo isku dhex jira , iyadoo Kaftanka iyo Sheekada lays dhaafsanayo , sidoo kale waxay Culimadu aad ugu Farxeen intii ay Joogeen Tuulooyinkaas hadda ka hor Colaadu  ka dhacday inaanay hal mar arag wax Qori ah ama Hub kala ah oo shacabka Beelahaasi ay wataan, taas oo Tilmaan u ah inaanay jirin wax cabsi ah oo Dhinacyadu ay kala qabaan .

Waxaa Xusid Mudan in Gogoshaan tii ka horreysey ee  Xoorre  taasoo lagu heshiisiiyey Beelahaas  Bishii November 2015 inay ka soo qayb galeen Isimo iyo Odayaal 150 ka badan kuwaas oo ka kala yimid Dhulalka ay Soomaalidu degto sida Jubaland ,Kilinka shanaad ee Itoobiya ,Puntland Goboladeeda kala duwan iyo Meelo kaleba , waxaana Gogoshaas lagu dhamaystiray sidii loo kala qaadan lahaa Magihii dadkii colaadaas ku dhintay iyo sidii loola kala wareegi lahaa wixii Hanti ah oo la kala hayey, iyadoo lagu balamay in wax walba 6-Bilood Gudaheed lagu dhamaystiro .

Waxay Culimadu Mahad Balaaran u celinayaan Allaah ka dib dhamaan Issimadii iyo Odayaashii ka qaybqaatay soo ururinta dadkii dhaawaca ahaa iyo  in Xaqi daasi u dhacdo sidii ugu haboonayd .

Magacyada Culimada Dhaawacyadaas xaqay iyo Meelahay ka kala yimaadeen  :

1- Sh.Cabdinaasir X.Axmad /Laas-caanood.

2- Sh.Maxamuud X.Yuusuf/Garowe.

3- Sh.Mahad Cabdullaahi Maxamad/Galdogob .

4- Sh.Cabdirashiid Maxamad ismaciil/Garowe .

5- Sh.Axmad Sh. Cumar Xasan /Buuhoodle .

 

Nuur Jaamac Aadan
Garowe,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online