Hadi La’aanta iyo Hagardaamooyinka Hogaanka Soomaaliyeed W/Q Dr Saadiq Muxumad Daahir Sayid

January 18, 2016 - Written by Editor

السلام عليكم ورحمة الله وبركاتهimage-7629d3e679e29dd5be400d05fa887f47742ae491e6f7eab9f6435d07e51427a8-V Qormadan ujeedadeedu waxay tahay in aynu si wadaag ah u raadceyno wadooyinka lagu dhisi karo bulsho sanado badan ka hor bohol ku sibqatey oo lisan iyo rifan kaga dhacay tiirar badan oo jiritaankeedu ku salaysan yahay. Tiirarkaas oo qaar ka mid ihi dumeen, qaar kalana xar galey, qaarna dhowdhowley dhexta ka qodeyso aadna moodo iney ku sii socoto ama u sii jeedo wadadii ay mareen dadkii asal ahaan u lahaa jirey ustareeliya iyo Maraykanka (Nativ American/ red indian iyo native australians /Aboriginal people)

Haddaba ruux kasta oo inaga mid ihi wuxuu is weydiin karaa ma waxaynu nahay ummadii koobaad ee sidan u dunta mise ummado kalaa soo marey silac maryaadkan iyo saxariirkan aan dhex dabaalaneyno kuwaas oon ahayn qolyahan waa hore lagu habsadey, yaase ka saari jirey?
Su´aashani uma baahna Jawaab iyo wax ka dhihid midnaba, waxaase is agtaag mudan ineynu fahano iney kaga bixi jireen salalka iyo sal dhigid la`aanta wadooyin ama istiraatiijiyado kala duwan iyo weliba taagtiigyo/taaktikooyin is khilaafsan kuwaas oo saami gal quman ku ah sababaha dhaliyey dhibaatada adhax daacisey ee karkaarka weydaarisey bulshadaas iyo hogaan leh wadaniyad iyo garaad-qarameed fayoow ee ma ahayn hal wado oo toobiya ah oo bar bilow iyo dhamaad leh iyo ritiyoow riti ma tahay.

Hadaba si loo yagleelo ummad soomaaliyeed oo ka madax banaan qabyaalad iyo is quudhsi lehna wacyi iyo garaad qarameed ku filan taas oo ku naaloota xoriyad iyo gobanimo buuxda, oo nabadi gogol u tahay, cadaaladina hoy u tahay, isla mar ahaantaana garwaaqsanaysa waajibaadkeeda, garanaysana xuquuqaheeda aas aasiga ah waa in la helaa marka hore xagasha ay ku qotanto dhibaatada dadkeena iyo dalkeena jilbaha u dhigtey iyadoon la’ eegaynin dhibaatadu waxay dhalisay balse la milicsanayo halka sartu ka qudhuntay ugu horeyntii?

Soomaalidu waxay tidhaahdaa “Haani gun bay ka tolontaa, gurina udub/tiir buu ka dhismaa, bulshana ruux ama qof bey ka unkantaa”. Taas oo macnaheedu yahay waa in meerisyada Salku hagaagaan si meerisyada kale ee masaftu u toosnaato, waa in udubku/tiirku noqdaa mid sulub ah si gurigu si fiican isugu raaco, waa in qofku ahaadaa mid caqli ahaan, akhlaaq ahaan iyo garaad-siyaasadeed ahaanba u fayow si ummadi u hingato dibna loogu dhiso bulsho caafimaad qabta, kana fayoow aafooyinka la abtirsadey oo dhan taas oo suurto gal ka dhigi karta xaqiijinta aragtiyaha iyo ujeedooyinka waaweyn ee qofkasta oo damiir iyo dadnimo soomaaliyeed lihi higsanayo!!!

Waxaynu u baahanahay ineynu dhisno dad xor u ah caqligooda, cibadadooda, aragtidooda iyo doorashadooda siyaasadeed, dhaqankooda iyo wada dhaqankooda intaba midaas oon mar naba aheyn mid sahal lagu gaadhi karo balse noqon karta riyo ay suurto gal tahay in laga dhigo mid dhaba hadii la helo iraado/doonis iyo ficil dhab ah oo wada socda mana aha gaadhida hadafkaasi mid sahlan ama hilib soley ah oo xeedho dulsaaran ee wado qarfo ah oo gacandhiyi dhexdaadsan tahay.
يقول الله تعالى: ﴿.إن الله لايغير مابقوم حتى يغيروا مابأنفسهم وإذا أراد الله بقومٍ سوءً فلا مرد له ومالهم من دونه من والٍ ﴾ الرعد:11
Tayo xumada shakhsiyaadka caynaanka u haya ummada oo damacooda iyo damiirkooduba liito iyo weliba wacyi iyo garaad-qarameedka ummada oo hooseeya daraadood ayuu ummada ugu dhacayaa xad gudubyada iyo dubbayoowga cadowgoodii soo jireenka ahaa daabka hayo kuwaas oo aysan maanta awooda u laheyn iska caabintiisa iyo u dulqaadashadiisa mid koodna. Hagardaamooyinkaas oo bulshada u nugleynaya saamaynaha dibada kaga imanaya ee cadowgeedu maleegayo iyo kala fogaanshaha dhexdeeda ah labadaba.
Hadaba si loo helo bulsho hogaankeedu uusan ahayn ama lahayn camiil cadowga u shaqeeya, war- xumo- tashiil ka shaqeeya kala fogenta bulshada iyo mid guba iyo wixii waa hore gaaraan jirey dib u soo faadhfaadha, waa in la dhisaa shakhsi ama ruux ka talaalan bushiga ummada naafeeyey.
Soomaaliduna waxay tidhaahdaa waxaa jira ”nimaan aabihii u rooneyn,
xigtadiisana u rooneyn, diintiisana u rooneyn” ninkaasi waa ninka ku dhashay meher la’aanta ama magacyo kale loo yaqaano; Aabihii uma roona saa maba dhalin, xigaalkiina uma roona saa lamaba dhalan, diintiisana uma roona saa kumaba dhalan taas ood moodo in hogaanka soomaali weyn ee maanta jira qaar ka mid ah tooshka ku ifineyso marka ficilkooda la dhugto, waxaana taa uga gol leeyahay ineynu dhisano ama beero shini fiican iyo bulsho fayoow oo aabaheed, ehelkeed iyo diinteedba taqaana oo u damqaneysa dadkeeda iyo dalkeeda si aynu u suuro galino jiritaanka qowmiyad ama ummad soomaaliyeed una yagleelo garab iyo gaashaan adag oo lama dhaafaan ah, tacabkaas oo aynu isakaga caabino kagana aar gudano cadawyadeena faraha badan ee gudaha sida jahliga, qabyaalada, wacyi xumada, is dilka, isxaqirida ama isquudhsiga, iyo cadowyada ummada soomaaliyeed ee taariikhiga ah iyo kuwa cusubba. Dadaaladaas oon ku ilowno uur kutaalooyinka iyo mahadhooyinka daba dheeraadey

Hogaanka maanta ka jira 5 soomaaliyeed badankii ayaa waxaad moodaa inuu yahay mid hawo iyo hunguri hor marey oo hamigiisu yahay inuu bulshada oo dhan saylad qudha wada
taago isagoon u kala aabayeelin rag iyo dumar, cunug iyo ciroole, bad iyo bari, dad iyo diin dirkaba. Yoolka ay tooganayaana waa in ay helaan magac uusan u qalmin, maal xaaraan ah, iyo madaxnimo cadowgiisu ku daba taagan yahay ama kuba maneysanayo, cadowgaas oo ujeedadiisu tahay inuu ummada shimbirka ka duuliyo si bulshadu gunimada u qaayibto, qabkeediina u weydo si wixii la doono looga yeelo. Waxaana la odhan karaa bulshada ayaan ahayn mid caafimaad qabta marka hogaankeedu noqdo mid maral ah taas oo u ogolaatey, isla mar ahaantaana fursad siisey qaaqleyaal nina uusan qowsaar ka dhigteen hadey bulshadu fayoobaan lahayd aydinka oofta kaga taagan . Sidaa darteed waa in la dhisaa qofka ama shakhsiga laf ahaantiisa inta aan lagu mashquulin xaqiijinta ujeedooyinka waaweyn ee lawada higsanayo, waana in bulshada qaybahaeeda kala duwan u wada shaqeysaa sida unugyada iyo nudaha jidhka oo kale si loo gaadho madaxbanaani buuxda, sinaan iyo cadaalad, isla mar ahaantaana lagu baraarugsanaadaa, lana qadariyaa kala duwanaanta caadooyinka iyo fikirsiyaasadeedka bulshada qaybaheeda kala duwan.

Filasoofkii reer giriig ee la odhan jirey Aflaadhoon ”Plato” ayaa wuxuu leeyahay xigmad tidhaahda ”boqor ma aha ninka xukuma adoomo iyo dadka caadiga ah laakiin boqorku waa kan xukuma dadka xor ta ah” waxaan uga gol leeyahay ineynu abuuro dad ruux ahaan, dhimir ahaan iyo caqli ahaanba u nool, xora u ah ee aynaan xarjajiibo iyo soome xaabadii habeyn guranin. “nin siraad ka damey wuxuu shitaa some xaabadi’iye” xarjajiibo waa xaabo waxse ku tari mayso oo xili xun ayey kaa dami !!!!!

Aboodigu malalo garab haduu iin ku leeyahaye
Orod uma holado ooglihii adhaxda beelaaye
Ma aarsado il iyo oof nimey iini kaga taale
Aroos uma holado wiil wadnaha arami jiiftaaye ”Raage Ugaas”
Liibaanteenuna waxay ku jirtaa inaan abuuro haba yaraadaane dad kheyrka iyo sharka kala sooci kara iyo inaan kuna dadaalo uruurinta inta kala garaneysa xumaanta iyo samaha. Kuwaas oo ah kuwo wax soo reebanaya markey sartu qudhunto, madmadowguna ummada hadheeyo, sharafteeda iyo cirdigeeduna dayacmo sida haddaba jirta!!!! .

WABILLAAHI TOWFIIQ
WALAALKIIN SAADIQ
W/Q Dr Saadiq Muxumad Daahir Sayid

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online