Imtixaankii Jaamacada Bariga Africa faraceed Buuhoodle oo bilaawday.[Masawiro/Video]

January 9, 2016 - Written by Editor

12400610_861022030661659_8196282050188443505_nBuuhoodle:-Imtixaankii Ardayda Jaamacada Bariga Afrika Qaybteeda Buuhoodle ayaa ka Bilaamay Xarunta Jaamacada Bariga Afrika Qaybteeda Buuhoodle Waxaana imtixaankan uu ahaa Simistarka Qaybtiisa Hore ee Sanadka. Ardayda Imtixaanka u Fadhiisatay oo Tiro ahaan Gaadhay ku dhowaad 200 oo arday ayaa kala dhigta Kuliyadaha Kala Duwan ee Jaamacada Bariga Afriga Qaybteeda Buuhoodle. Maamulka Jaamacada, Macalimiinta, Ardayda iyo Waalidiinta ayaa Dhamaan si isku mid ah usoo Dhoweeyey Bilaabashada Imtixaanka Jaamacada Waxaana la Arkayey Ardayda oo ku Mashquulsan ka shaqaynta Imtixaanka.

Jaamacada Bariga Afrika Qaybteeda Buuhoodle ayaa tan iyo markii laga hirgaliey magaalada Buuhoodle waxay Deegaanka ku soo kordhisay horumar waxbarashada  Saayid ah Waxaana dhowan ka Qalin Jabisay Dufcadii ugu Horaysay.

Hormuudka Jaamacada Bariga Afrika Qaybteeda Buuhoodle Pro Cabdishaafi Axmed Cali ayaa Deegaanka kusoo Kordhiyey Arrin ku Dayasho Mudan Waxaana Maanta Laga Wada dharagsan yahay Heerka Wax Barasho ee Jaamacada uu Maamulka ka yahay.

Dhinac kale Qaar ka mid ah Qurba Joogta Deegaanka Gobolka Cayn ayaa Booqasho ku tagay Xarunta Jaamacada Bariga Afrika ee Buuhoodle halkaas oo si toos ah uu uga socday Imtixaanka Ardayda Jaamacada Bariga Afrika Qaybteeda Buuhoodle.

Maamulka Jaamacada oo uu ugu Horeeyo Prof.Cabdishaafi Axmed Cali ayaa xubnahan Qurba joogta ah ku soo dhoweeyey Jaamacadda waxaana Qurba Joogtaani si weyn u soo dhoweeyeen horumarka waxbarashada ee Jaamacadda ku talaabsatay Mudadii ay jiray ee Gobolka Cayn ay ka hawl galaysay.

Hoos ka Daawo Imtixaankii Jaamacada Bariga Africa faraceed Buuhoodle oo bilaawday

Mowliid Ismail Diged
Laascaanood,Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online