Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo kulan soo dhaweyn ah ugu qabtay Johannesburg Suldaan Cabdi Qani Qorane.[Masawiro]

January 11, 2016 - Written by Editor

FB_IMG_1452551008283Johannesburg:-Kulankaan ballaaran oo ay iskugu yimaadeen qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika oo ka dhacay magaalada Johannesburg ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay Sh Suldaan Eng. C/qani Qorane Maxamed oo mudooyinkaaba dalka Koonfur Afrika ujoogay ka qeybgalka kulan diimeedka Jaaliyada ee sanad walba gabagabadiisa la qabto.

Kulankaan oo si gaar ah loogu maamuusay Suldaanka inuu kula kulmo Jaaliyadda qeybaheeda kala duwan ayaa waxaa ugu horeyn wacdi iyo waano ku furfuray Sh.Qaasim Cabdi Hayaan, kaasoo kula dardaarmay intii kulanka ka soo qeybgashay inay alle cabsidiisa iyo midnimada ku dadaalaan, wuxuuna intaa ku daray in sida illaahey na farayba la qadariyo salaadiinta.

Nabadoon Shariif Maxamed Wehliye oo ah ganacsade ka tirsan Jaaliyadda ayaa ugu horeyn sheegay inay Suldaanka soo dhaweenayaan isagoo matalaya ganacsatada kale ee meesha ku sugan, wuxuuna intaa ku daray inay muhiimad gaar ah uleedahay kulankaan, iyadoo ay la kulmayaan Suldaan kulansaday Wadaadnimo iyo Aqoonyahanimo, wuxuuna tilmaamay in dadkaani ay yihiin Jaaliyadii Soomaaliyeed ee uu isimka, sheikha iyo engineer-kaba u ahaa.

Sh. Qorane Cabdi Maxamed oo ka mid ah Golaha Culimada Soomaaliyeed ee Albayaan ee iyagu Suldaanka ku casuumay inuu ka qeybgalo Shir diimeedka jaaliyadda ayaa sheegay inay farxad gaar ah utahay inay soodhaweeyaan shaqsi illaahey darajooyin kala duwan iskugu daray, wuxuuna jaaliyadda dareensiiyay waxa qof muslim ah lagu tixgaliyo inuu illaahey udhiibay suldaanka una xafidsan yahay 114-ta Quraanka Kariimka, taasna ay tahay in si gaar ah loogu tix galiyo.
Nabadoon Maxamed Cabdi Diiriye Qooqaani oo ku hadlayay magaca odayaasha Jaaliyada laguna casuumay inuu khudbada kusoodhaweeyo Suldaan Cabdiqani Qorane Maxamed ayaa ugu horeyn usheegay suldaanka in jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ku heshiiyeen inay madaxda iyo culimada Soomaaliyeedba ay si wadajir ah usoodhaweeyaan una sagootiyaan.

Suldaan Cabdiqani Qorane Maxamed oo ah Daaci iyo Aqoonyahan Soomaaliyeed oo kulanka soo dhaweynta loogu sameenayay magaalada Johannesburg shaqsi yadiisa ka hadlay ayaa sheegay in Jaaliyadda Soomaaliyeed looga baahan yahay inaysan ku dhaqmin qaladaadkii ay dalkii uga soo tageen ee ahaa buun buuninta qabiilka, ayna ku dadaalaan sidii ay dalka wax wanaagsan ugu biirin lahaayeen. Wuxuu intaa ku daray in dalka uu haatan dhaamo meeshii uu shan iyo labaatan sano ka hor joogay oo dhinacyo badana uu horumar kasameeyay qeybta kaliyah ee uu ka cakiran yahayna ay tahay xagga Siyaasadda oo marna haggaagta, marna madaxa islagasha. Taasna uu rajeenayo in dhawaan laga gudbo doono, haduu Alle idmo.

Ugu danbeyn, Suldaan Cabdiqani Qorane Maxamed oo ay Jaaliyadu siweyn ugu faraxsaneed imaanshihiisa dalkaani Koonfur Afrika ayaa waxay ka codsadeen inuu noqdo Suldaan guud ahaan Soomaali isku keena uuna higsado illaa darajada ugu sareysa ee madaxtinimada dalka. Iyadoo khudbadihii ay jeediyeen; Ganacsatada, Culimada, Aqoonyahanada iyo Odayaasha ay ubadnaayeen is dhiirigalin iyo wax wadaqabsi in lagawada shaqeeyo meelkasta oo ay Soomaaliyi joogto.

Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)
Johannesburg, Koonfur Afrika
E-mail: istiile@hotmail.com

 

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online