Khudbadii Wakiilka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada midoobay Soomaalia uu ka jeediyey Un-ka [Daawo]

January 29, 2016 - Written by Editor

keating-New York:-Ergeyga gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating oo hadal a jeediyey shir ay yeesheen 15 xubnooda ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu sheegay in shirkii wadatashia ee lagu soo afmeeray magaalada Muqdisho socdayna mudo 6 bilood ah in Madaxda Soomaalidu ay go’aan midaysan ka gaareen qaabka ay u dhacayso doorashada 2016.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa yiri” Go’aanka maanta laga gaaray hanaan doorasho wuxuu ka dhiganyahay guul wayn, wuxuuna, mar kale, muujinayaa go’aanka madaxda Soomaaliyeed iyo sida ay uga go’antahay inay ixtiraamaan muddada dastuuriga ah ee ay ku egyihiin hay’adaha sharci dejinta iyo tan fulinta, iyo in la qabto hanaan doorasho sanadka 2016.”

Saaxiibada caalamku waxay sidoo kale soo dhoweynayaan xaqiiqada ah in nooca doorasho ee ay go’aansatay Dowladda Federaalku uu waafaqsanyahay mabaad’dii lagu qeexay Baaqii Muqdisho ee 16ki Decembar.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaan khudbada uu ka jeediyey Un-ka aan ku xusin in wafdigii dowladda Puntland uga qayb galay shirka wadatashiga Qaran ee ka dhacay Muqdisho ay ka horyimaadeen natiijadii ka soo baxday mana uusan xitaa xusin maamulada kale rayiga ay ka qabeen qaabka doorasha 2016 u dhacayso.

Hoos ka Daawo khudbadii Ergeyga gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ka jeediyey Un-ka

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online